Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee ka hawlgalada Degmada Hodon ayaa shaaciyey in ay katirsan yihiin Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya kadib warar maal mahan soo baxaayey kuwaasi oo ku aadanaa Ciidamadaasi looga shakiyey in ay ka amar qaataan Yuusuf Indha Cadde sida uu sheegtay.
Dhame C/qaadir C/laahi Xuseen oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dawladda ee kusugan Degmada Hodon ayaa caddeeyey in ay katirsan yihiin Ciidamada Dawladda KMG ah isla markaana ay ka amar qaataan saraakiisha Ciidamada Dawladda isaga oo meesha ka saaray in ay ka amar qaataan cid ka baxsan Saraakiisha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale Dhame C/qaadir C/laahi Xuseen aya atibaaxay in ay Degmada Hodon u joogaan Difaaca Dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dagaal balaaran oo ay kula jiraan Xarakada Al shabaab oo uu tilmaamay in ay dhibaato xooggan ku hayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
“Anagu Kama Tirsanin Ciidamada Xisubu Islaam iyo Al shabaab, ee waxaan nahay Ciidamada Dawladda Soomaaliya, waxaanna u joognaa Degmada Hodon Difaaca Dawladda iyo dadka Soomaalileed”.
Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay soo baxaayeen warar sheegaaya in Ciidamada Dawladda ee dagaalka kaga jira Degmada Hodon maal mahan uu sheegtay in ay ka amar qaataan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka baxay Dawladda isla markaana dib u yagleelay Garab kamid ah Xisbul Islaam.
Hase yeeshe hadalkan kasoo yeeraySaraakiisha Ciidamada Dawladda ayaa dhabarjab ku noqday sheegashadii Yuusuf Indhacadde ee ku aadanayd in ay ka amar qaataan Ciidaada kusugan Degmada ee Gobolka Banaadir.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
