webmaster@laasqoray.net

Dhegeyso waraysiyo Gudimooyaha Badhan iyo ku xigeenkiisa

Magaalada Badhan ayaa waxaa ka dhacay xaflad si heersare ah loosoo agaarismey oo isla markaana lagu dooranayay gudoomiyeha degmada Badhan iyo ku xigeenka. Doorashadan ayaa waxaa ku guuleystey gudoomiyaha degmada Badhan C/risaaq Axmed Ciise “Bis Bis” iyadoo gudoomiye ku xigeen noqotey Sahra Cabdi Aar oo noqotey gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Puntland laga doortey.

Duqa cusub  ee magaalada Badhan C/risaaq Axmed Ciiseoo isla markaana ah Agaasimaha Idaacada Somali Public Radio (SPR) ee Badhan ayaa waxaa isla markiiba wareysi uu siiyey idaacada uu agaasimaha u yahay isla markaana uga warbixiyey doorashadii maanta iyo sida uu dareenkiisa yahay maadaama loo doortey duqii magaalada Badhan. Sidoo kale waxaanu wareysi la yeelatey gudiimiye ku xigeenka degmada Sahra Cabdi Aar oo iyadana sidoo kale uga warbixisey Idaacada SPR.

Idaacada Somali Public Radio ayaa waxay hambalyo iyo boogaadin u direysaa Agaasimaha Badhan ee SPR iyo doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhacdey magaalada Badhan dhamaan dadkii lugta ku lahaa hirgalinteeda.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGII GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA

Downloa

SPR-Badhan

Comments are closed.