webmaster@laasqoray.net

Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashey Dagaal Maanta ka Dhacay Duleedka Magaalada Sarmaanyo

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatey saddex kalena wey ku dhaawacantey iska hor imaad hubeysan oo ku dhex marey duleedka maagaalada Sarmaanyo ee gobolka Sool ciidamo ku hawllan dhuxul joojinta iyo dhuxuleysato halkaa ka shidayey dhuxul.

Dagaalkan geystey khasaaraha iyo dhimashada iyo dhaawacaba leh ayaa galinki hore ee maanta ku dhacay meel lagu magacaabo Sarmaan Ciid oo ku dhow magaalada Sarmaanyo waxaana la sheegayaa in ciidamada dhuxul joojinta ee Sarmaanyo ay ka war heleen dhuxuleyatada kadibna ay kusoo bexeen taasoo keentey halkaa in khasaare ka dhasho.

Dhuxuleyatada ayaa kasoo jeedey deegaanka Taleex ee isla gobolka Sool waxaana haatan lagu daweynayaa magaalada taleen saddex qof oo ka mid ahaa dhuxuleysatada oo iyagu ku dhaawacmey dagaalka maanta galinkii hore ka dhacay duleedka magaalada Sarmaanyo.

Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanka kadib dagaallka dhimashada iyo dhaawaca sababey, waxaana welwel weyn soo food saarey dadkii reer guuraaga ahaa ee iyagu biyaha iyo daaqa xoolohooda goob kasta ula tagi jirey maadaama ay ciisad colaadeed ay dhalatey.

Ma jirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhuxuleysatada iyo ehelladii ay ka dhinteen labada nin balse waxgaradka deegaanka oo walaac weyn muujinaya ayaa ku hawllan sidii loo damin lahaa colaada iminka soo if baxaysa isla markaana looogu dhameyn lahaa xiisadan wada hadal iyo is afgarad.

Xigasho:- XingaloolNews

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

4 Responses

  1. Waxaan u jawabin NINka Beesha Somaliland u hadlaaya.. sxb BEESHA Somaliland iyo Beesha Maakhir land waa ISku mid, BEELI BEEL uma Shafeeca Qaado. Markaas IS Qanci Dee Ana Waan Is Qancin eh, waana Kii la hor Aqoonsado labadeena. kkkkkkk

  2. waxaan la yaabanahay laasqoray.net waayadii hore waxayd ahayd shabakad ka hadashada arimaha sanaag iyo reer maakhir hadeer waxaad moodaa inaad inay meeshii isu bedeshay meel ka hadasha waxaan khusayn reer maakhir fadlan warka reer maakhir aad baan u xiisaynaynaa bahda sharafta leh laasqorayNET

    • Axmed, waan kugu raacsanahay in horumarka degaanka maakhir xoogga la saaro akhbaartiisana la innoo soo ebiyo, laakiin laftaada yaanay kaa hoos bixin saxaafaddu haddii ay noqoto mid degaan keliya ku warwareegta dhadhan ma yeelato, haddii ay laasqoray.net ku mashquusho Badhan, Dhahar iyo Hadaaftimo waxa ka dhacay, saxaafad laguma tilmaami karo.
      waxan anigu qabaa in ay teenana baahiso tan caalamka innagu xeeranna aanay afka ka qabsan , midda kale laasqoray.net de warsangeli oo keliyihi ma daalacdo ee caalamka way u furan tahay. jeesnimadu waa waxa horumarka inaga hortaagan oo umadaha inaga reebay.

  3. weger dadkani waabay waasheen dhulbahante. kolkii horena deegaano habar jeclo ay wada degaan bay beesha ku daandaansadeen iminkana iyagiibaaba isku booday.

    waar intaad somaliland diidka tihiin amni daro iyo silic ayaa idiin dhamaan ee ka jooga waxaan idinla tagtay ee qabyaalada la dhaho.