webmaster@laasqoray.net

Dhismaha Xabsiga weyn ee Degmada Badhan oo socda

Badhan:- Magaalada  Badhan ayaa Gacanta la saaray Dhismihii Xabsi wayn oo Deegaankaasi yeelandoono, Munaasabadii Xabsigaasi lagu Daah Furay waxa ka soo qayb Galay Gudoomiyaha G.Sanaag Maxamuud Siciid Nuur iyo Taliyaasha Qaybaha kala duwan ee Booliska Gobolka Sanaag Sidoo kale Ururada Bulshada ee Gobolka ayaa iyana lagu Casumay.

Waxana si wayn uga qayb qaatay shacabka ku dhaqan magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kale sida Ururda, iyadoo aanay ka qayb qaadan ganacsata gobolkan dhismaha Jeelka oo Loo bandhigay, jeelkaas oo hada maraya hal Mitir iyo Badh kor ah oo ah 440 Mitir oo isku wareeg ah intaas oo ah wareegii dibada 4 maqsina ay marayaa labo Mitir iyo todobaatan.

Gudoomiyaha G.Sanaag Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa halkaasi hadal Kooban ka Jeediyay waxana uu u Mahadceliyay Maamulka Puntland oo uu xusay inuu Dhismaha Xabsiga Gacan wayn ka Gaystay, Gudoomiyaha ayaa xusay in Ujeedka loo dhisayaa ay tahay in la Helo Meel lagu Xakameeyo dadka Danbiilayaasha ah.

Taliyaha Asluubta Ciidanka Gobolka Sanaag Axmed Jibriil Dhaaye ayaa isna Hadal jeediyay waxana uu ku dheeraaday in Reer Sanaag Looga Fadhiyo inay la shaqeeyaan Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada si Loo Gaadho Iskaashi Buuxa.

 

Comments are closed.