webmaster@laasqoray.net

Diyaarad La Sheegay in ay Hub u Wadday Ciidamada Badda Maamul Goboleedka Puntland ayaa Shidaal La’aan Ugu Degtay Hargaysa.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta ku degtay Diyaarad la sheegay in ay hub usoo wadday Ciidamada Badda Dawladda Puntland ee tababarku uga socdo Magaalada Bossaso.

Diyaarad ayaa masuuliyiin u hadashay maamulka Somaliland waxay sheegeen in ay ka timi dalka Uganda isla markaana ay saaran yihiin 8 ruux oo labo kamid ah ay Koonfur Africa u dhasheen halka 6 kale u dhasheen Dalka Ruusha.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa waxay sheegeen in Diyaaradan shaqaalaha saaran ay u sheegeen in ay shidaal la’aan soo foodsaartay isla markaana ay Magaalada Hargaysa u fariisatay in ay shidal ka qaadato walow ay ku adkaysanaayaan in aanay waydiisan ogolaansho ku aadan isticmaalka Garoonka Hargaysa.

Sidoo kale waxay sheegeen in diyaaradda ay saaran yihiin shixnaddo hub ah kuwaasi oo ay sheegeen in loo waday ama ay uga shaki qabaan in ay leeyihiin Ciidamada Badda Puntland ee Bossaso hawshoodu iminka ka socoto.

Diyaaradda ayaa ah nooca waa weyn ee Taangiyada Xambaara waxaana la sheegay in lagu sameeyey dalka Ruushka, lixdii qof ee Diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay in loo taxaabay xabsiga ayna xir xireen Ciidamada Somaliland.

Majiro wax ar ah oo kasoo baxay dhinaca Dawladda Puntland ee ku aadan Diyaaradda Hargaysa fariisatay waxaana la filaayaa in ay ka hadlaan saacadaha soo aadan.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.