webmaster@laasqoray.net

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo weerar ka geystey Jubada Hoose

Maalintii shaleyto aheyd ayaa waxaa weerar qaadey diyaarado aan la garaneyn cida iska leh iyadoo weerarkan lagu qaadey saldhig ay tababaro ku bixinayeen maleeshiyaadka Alshabab kuna yaala Koonfurta Kismaayo oo lagu magcaabo Qandal isla markaana ay wararku xaqiijiyeen iney gaysteen diyaaradahaasi khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba.

Weerarkan ayaa waxa uu yimi xili ay sheegeen Dowladaha Mareekanka iyo Kenya in si wada jir ah loola wada dagaalamo dagaal yahaniinta Alshabaab isla markaana la cidhib tiro.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta u cadeeyey in cisbitaalka Magaaladaas la keeney dad kusoo dhaawacmey weerarkaas isla markaana ay qaarkood yihiin kuwo halis ah oo aan fududeen.

Weerarkan maaha kii ugu horeeyey ee lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin ajaaniibta Soomaaliya ka dagaalamaya oo ay marti gelisey ururka Alshabaab isla markaana ay u baxsheen Muhaajiriin iyadoo labada kooxoodba ay baneysteen dhiiga muslimiinta isla markaana aaminsan iney ku jana tegeyaan.

Weerarkii noocan oo kale ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka iyo xulufadiisa ayaa waxa uu dhacay sanadkii 2006dii kadib markii la jebiyey ururkii Midowga Maxaakimta Islaamka isla markaana uu weerarkaasi ka dhacay Degaano hoos yimaada Afmadow inkastoo uu weerarkaasi ay waxyeelo ku noqdeen xoolo dhaqato Soomaaliyeed hase yeeshee waxa uu ahaa weerarkii ugu horeeyey ee ay geystan ciidamada REER Galbeedku

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.