Donald M. Payne oo ah Mudane katirsan Golaha Congrres-ka islamarkaana ah Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Arima Africa iyo Caafimaadka Baarlamaanka Mareykanka ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku taageerayo Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo.
Donald M. Payne Wuxuu Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo ku tilmaamay rajo cusub oo u soo ifaysa Soomaaliya Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed kula talin lahaa ayuu yuru in ay si garab taagaan si ay u gudato Xukuumadu Waajibaadkeeda.
Mudane Donald M. Payn Waxaa hadaladiisi kamid ahaa sidatan “Ra’iisul Wasaare Mahamed iyo Golihiisa Wasiiradu waxay leeyihiin aqoontii iyo khibraddii ay Soomaaliya ku gaarsiin lahaayeen jidkii xasiloonida iyo nabadda, laakiin waxa ay hanan karaan meesha laga filayo markii ay helaan taageerda dadka Soomaaliyeed, hayadaha DFKM ah iyo gacanta bulshada caalamka.
Sidoo kale Donald M. Payn Wuxuu Warsaxaafadeekiisa kaga hadlay Ansixinta Xukuumada Cusub , ”Golaha wasiirradu, waxay sugayaan ansixinta baarlamaanka, laakiin warar aan wanaagsanayn ayaa soo yeeraya, kuwaasoo ah in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay si ula kac ah u hortaagan yihiin hannaanka ansixinta,”
Ugu dambeyntii Mudane Donald M. Payn wuxuu Baarlamaanka Fadraalka Soomaaliya ugu baaqay in ay Kalsoonida siiyaan Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo maadaama ay Xukuumada hor yaaalaan hawl culus oo la rabo in si nadiifa u gutaan.
Laasqoray.Net
