webmaster@laasqoray.net

Dowlada Federaalka oo u jawaabtey Maamulka Faroole ee ka arimiya Puntland

Wasiirka 1aad ee xukuumada Federaalka Somalia e Ku meel gaarka ah ayaa waxa uu eedeeyey Go’aankii ay qaadatay Dowlada Puntland oo ahaa iney Maamulkaasi xiriirka u jarey Dowlada ku meel gaarka ah.

Raysul wasaaraha ayaa isagoo wareysi siinayey mid ka mid ah idaacadaha Afsomaliga ku hadla sheegey in go’aankii ay qaadatey Maamulka Faroole ay tahey mid Nasiib daro ah laakinse Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland aysan ku raacsaneyn go’aanka ay qaadatey Xukuumada Puntland.

Go’aankii ay dhowaan qaadatey xukuumada Puntland ayaa ahaa mid kedis ahaa iyadoo ay ka muuqatey inuu ahaa mid uu wasiiradiisa ku khasbay Madax weyne Faroole oo caan ku ah madax adeyg iyo caro deg deg ah isla markaana aan lagu tilmaami kareyn siyaasi cabqari ah iyadoo dhowr jeer oo hore ay uga dhaceen hadalo delqaaf ah isla markaana lagu tilmaami karo nin aan la jaan qaadi kareyn siyaasada is bedelka miiran ee Somalia.

Hadaladii iyo waxyaabihii uu Faroole ku dhaqaaqey ee amakaaga miiran ahaa waxaa ka mid ahaa kadib markii uu bilowday dagaalkii Galgala iyo calaacalkii ahaa Dumarku hubka ha qateen iyo weliba kii kale e ahaa Wasiirada u dhashey beesha Dhulbahante iyo Laylkase ma metelaan Puntland xaga uu kii Majeerteen ka aamusey taas oo cadeyneysa qabiilnimada sida ay ugu weyntahey Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaan la oran karin mid dhaama Faroole iyadoo aad moodid inuu hogaanka uu hayo Shariif Xasan ama Shariif Sakiin iyadoo madaxweynuhu yahay mid aan qaadan karin mowqif siyaasadeed oo ka madax banaan lataliyaashiisa oo ay ugu horeeyo Shariif Sakiin.

Cayaartan cusub oo aad moodid iney tahey mid liidata ayaa fursad siineysa Kooxda Mucaaradka ah ee Alshabaab iyo weliba niyad jab ku timi dadka soomaaliyeed ee 22kii sano Dowlad iyo nidaam sugayey

LaasqorayNET-Nairobi, Kenya

Comments are closed.