Munaasabad lagu furayey safaarad ay ku yeelato dalka dowladda Hindiya ayaa laga furay maanta Magaalada Muqdisho iyadoo munaasabadii lagu furayey safaarada ay ka qayb galeen madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Munaasabadan ayaa ka dhacday Xarunta ciidamada ee Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qayb galeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Wasiirka arimaha dibada Max’ed Cabdullaahi Oomaar iyo safiirka Cusub ee Hindiya ay u soo magacowday Soomaaliya Siba Barata .
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay wasiirka arimaha dibada dowlada KMG ah maxamed cabdilaahi oomaar oo sheegay in wasiirka arimaha dibada ee Hindiya in safiirkan cusub ugu soo magacaabay safaarada ay tahay khibrad uu u leeyahay ka shaqeynta Soomaaliya islamarkaana uu horay ugu soo shaqeeyay wadamada Masar iyo Finland, isagoo intaasi ku daray in madaxweynaha dowladda KMG uu ka aqbalay warqadaha Aqoonsiga.
Mud,Oomaar ayaa intaasi ku daray in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ugu so magacowday Safiir hore balse markii dambe ay badashay islamarkaana maanta Soomaaliya ay u soo dirtay safiirkan cusub.
Dhinaca kale waxaa isna markiisa ka hadal kooban ka sheegay Siba Barata oo ah safiirka cusub ee Hindiya usoo magacowday Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu yimaado Magaalada Muqdisho islamarkaana uu xoojin doono xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Yaasiin Faytin, Muqdisho, Somalia
