Xukuumada ku meel gaarka ah ee Dalka Somalia ayaa waxay war saxaafadeed kasoo saartey Dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo ay Xukuumada baaqeeda ku sheegtey iney guulo hor leh ka gaartey dagaaladii ay la gashey Mucaaradka hubaysan.
Warsaxaafadeedkii sidan ayuu u qornaa:#
Muddadii koobneyd uu hawlgalku socday Ciidamada Xoogga Dalka waxay gaareen guulo isdaba-joog ah oo lagu wiiqay cududda kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana laga burburiyey godadkii ay qoteen, loogana qabsaday aagag ballaaran oo ay difaac uga jireen, kuwaasi oo ku yaallay degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag iyo Boondheere ee gobolka Banaadir..
Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Gaanshigga, Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud ayaa yiri:
“Ciidamada Xoogga ayagoo gudanaya waajibaadkooda iyo dhaartii ay mareen waxay ballan-qaadayaan inay diyaar u yihiin inay u huraan naftooda, una daadiyaan dhiiggooda qaaliga ah difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.”
Ciidanka Xoogga Dalka waxay wacad ku marayaan in dagaalka ay kula jiraan argagixisada uusan joogsan doonin illaa laga sifeynayo Xagjirka Al-Shabaab magaalada Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka..
Wasaarada Gaashaandhigga waxay uga mahadcelineysaa shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku sugan taageerada ay had iyo jeer lagarab taaganyihiin ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed islamarkaasina waxay soo dhaweyneysaa cid kasta oo ka saacidaya dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Khawaarijta ee argagixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab..
Wasaarada Warfaafinta+LaasqorayNET
