webmaster@laasqoray.net

Dowlada KMG oo sheegtay in la soo kordhin doono tiradda Ciidamada AMISOM ee soomaaliya

Wasiirka gaashaandhiga Dowladda KMG soomaaliya C/xakiim xaaji Fiqi ayaa sheegay in dhawaan la soo kordhin doono Tiradda Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan dalka soomaaliya,isagoo hadalkan sheegay ka dib markii maanta uu ka soo laabtay shir ka dhacay magaalada Adis-Ababa ee xarunta Ethiopia.

C/xakiin fiqi ayaa sheegya in wado kale oo afrikan ah ku yabooheen in ciidamo nabad ilaalin ah u soo diraan soomaaliya si ay ugu biraan ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

isagoo saxaafadda kula hadlaayay garoonka caalamiga ah e Muqdisho wasiirka gaashaandhiga waxa uu tilmaamay in wadamada Djabuti iyo Ghani ay ku yabooheen in ciidamo ay u soo diri doonaan dalka soomaaliya,sidoo kale wadanka Siralione ciidamo ay ka imaan doonaan dalka soomaaliya.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in shirka ka dhacay magaalada Adis-Abab diirada lagu saaray xoojinta ciidamada nabad ilaalinta afrika waxaana ka qeybgalay wufuud ka timid wadamada Ciidamada ay ka joogaan soomaaliya,madaxda Ethiopia iyo wakiilka qaramada Midoobay ee arimaha soomaaliya.

Ciidamada AMISOM waxa ay taageraan dowladda KMG ee taagta daran oo ka talisa qeyb yar oo ka tirsan caasimada dalka waxaana inta badan degmooyinka caasimada iyo gobolada dalka maamulka Xoogaga islaamiyiinta ee Alshebab oo dagaal joogta ah ku haaya Dowlada KMG ee caalamka aqoonsan yahay.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.