webmaster@laasqoray.net

Dowlada Ku meel gaarka ah oo ka hadashey guulihii maanta ee Muqdisho

Dowlada ku meel gaarka ah oo maanata goobo badan oo ay hore uga talin jireen ururka Alshabaab ayaa ka hadashey guuleheeda iyadoo war saxaafadeed arintaas kasoo saartey isla markaana ku cadeysey iney caasimada 70% ay haystaan isla markaana ay doonayaan iney la wareegaan Muqdisho gebi ahaanba.

Warsaxaafadeedkan ayaa yimi xili uu urur diimeedka Alshabaab uu dagaalo badan oo kululi kaga furmeen Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo isla markaana ay tahey tani tijaabo adag oo soo wajahdey Alshabaab.

Sidoo kale waxay Alshabaab ay soo bandhigtey askari Afrikaan ah oo ay ku qabatey dagaaladii maanta isla markaana sheegtey iney dagaalka sii wadi doonto.

Warsaxaafadeedkii Dowlada ku meel gaarka ayaa sidan u qornaa:

ciidamada DFKM oo ay taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ee  midowga Afrika ayaa horey ugu ruqaansaday hal kiiloomitir maanta iyaga oo gacanta ku dhigay dhismihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga halkaasoo ay xagjiriintu u  isticmaalayeen meel ay kasoo qaadaan hawlgallada iyo saadkaba. Waxa kale oo ayciidanka la wareegeen Warshadda Caanaha.

Sidaa oo ay tahay, waxaa jirayey waxoogaa iska caabin ah oo ka dhacayey agagaarka xerada ciidamada ee Dammaanyo oo kutaal meel u dhaxeysa Gaashaandhigga iyo Warshadda Caanaha.

Dagaalkan isaga ah ayaa la ogaaday in lagu dilay Xasan Iley iyo 13 taliyeyaal kale.  Ilaha warkan laga helayo ayaa tibaaxay in xagjiriintu gawracayaan dhaawaca saaxiibadooda degmada Dayniile oo ah xaruntooda weyn ee daafaha Muqdisho, iyaga  oo ka meeraysanaya latacaalidda daaweynta caafimaad ee dhaawaca.

Xagjiriintan oo ay shisheeyuhu horbodaan ee caddeystay lasafanaashahooda Usama  bin Laadin ayaa indhawaalaba dibugarashadooda israacraaceysay oo ay ugu wacnayd  guulaha dagaal ee ay soo hoynayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM, oo ay ku jirto qabsashadii laga qabsaday godadkii  dhulka hoostiisa ahaa ee ay qorsheeyeen inay magaalada kusoo dhexgalaan.

Laga soo billaabo April 2010, Xoogagga DFKM iyo AMISOM ayaa si tartiib-tartiib usii fidinayay magaalada meelaha ay gacanta dowladda kuhayso, sidaasaana lagula wareegay goobo badan oo ay xagjiriintu ku dhibaateyn jireen shacabka in kudhaw 70% caasimadda oo ay ku jiraan xarumaha dadweynaha intooda badan ayaa  gacanta ugu jira dowladda imanka. Xagjiriintu waxay haystaan goobo aan muhiimad  sidaa usii lahayn oo intooda badan ku yaala waqooyi bari ee magaalada oo ay dadka  intooda badan isaga soo huleeleen iyaga oo ka baxsanaya dagaalada ay hurinayaan  iyo amarkutaagleyntooda bahalnimada ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiim Mohamud Xaji ayaa yiri “Horumarka maanta la sammeeyey waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay diburiixid looga  gol-leeyahay in xagjiriinta laga fogeeyo goobaha shacabka ku badanyahay ee  magaalada, si looga fujiyo liijaanka argagaxiso ee ay shacabka ku hayaan”.Guushan iyada ah ayaa ku timi kadib kolkii dhawaanahan lasoo kordhinayey tirade ciidamada AMISOM iyo dowladdaba ee magaalada Muqdisho islamarkaana la arki karo sida loogu guuleysan karo himilada haddii loo helo agabka iyo dhaqaalaha muhiimka u ah meel marinta hawshan iyada ah

Email:  media@mipt.gov.so  OR fanax22@yahoo.com

Comments are closed.