webmaster@laasqoray.net

Dowlada Ku meel gaarka ah oo ka hadashey xirtaanka Suuqa Bakaaraha

D0wlada ku meel gaarka ah  ayaa warsaxaafadeed kasoo saartey xirnaanshaha suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn  caasimada Somalia ee Muqdisho iyadoo ay Dowladu ku eedeysey mucaaradka iney ka danbeeyaan xiritaanka Suuqaasi.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedkii

(Mogadishu- March 1, 2011)-Waa dhab in Ciidanka Xoogga Qaranka Soomaaliyeed ay gacanta ku hayaan Waddada Warshedaha illaa loo gaaro xarunta Gaashaandhigga.

Xoogagga dowladda iyo jaalkooda  ciidamada AMISOM ayaa dadaal u galay sidii wax carqalad ah looga ilaalin lahaa habsami u socodka ganacsiga Bakaare iyo Waddada Warshedaha. Suuqa Bakaaraha iyo Waddada Warsheduba waa ammaan, gawaariduna way u furanyihiin.

Sababta ay doonaanba haka lahaadeene Alshabaab ayaa isusocodka u diidan Suuqa Bakaaraha. Ugu horreyntii waxay xireen waddada dekadda ka timaada ee suuqa toos u aadda iyaga oo ka qoday godaddo waaweyn oo bohollo ah,  waddado dabka kadib markii ay farahooda ka baxday Waddada Warshedaha ayay goosteen inay diidaan isusocodka lagu galo suuqa Bakaaraha.

Dacaayadda sheegeysa in AMISOM ama DFKM ay xerayaan suuqa waa midaan waxba ka jirin, dowladuna sinnaba uga seexan mayso illaa ay meelsaarto falalka gurracan ee  kuwa xagjirka ah ee Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta, C/kariim Jaamac ayaa sheegay in dhawaan hawlgalkii wadajirka ahaa ee xoogagga dowladda iyo AMISOM ee ay kula wareegeen xarunta dhismihii hore ee Gaashaandhigga ay ahayd lagama maarmaan,  maxaa yeelay khasab bay ahayd in la joojiyo weerarrada ay kasoo qaadayaan nawaaxiga suuqa Bakaaraha

“Kuwa xagjirka ah,  barahooda melatari waxay aad ugu dhaweeyeen suuqa Bakaaraha, si  isdaba joog ahna way uga soo qaadaan weerarrada ay la beegsanayaan shacabka, dowladda iyo AMISOM intaba, iyaga oo maanka ku haya in AMISOM iyo ciidanka Soomaaliyeed aysan ka jawaabayn xabbadeyntaa iyada ah.

Weerarradaas aysoo qaadayaan baa carqalad ku ah dhaqdhaqaqa suuqa,  maadaama kuwa xagjirka ahi istaraatijiyad ahaan bohollo waaweyn ka qodeen waddooyinka taga suuqa Bakaaraha,  oo ay uga danleeyihiin inay  goyaan waddooyinka iyaga oo  islamar’ahaantaana ka mancinaya gawaarida sidda badeecooyinka ka immanaaya ama u socda Suuqa Bakaaraha.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo AMISOM-ba had iyo jeeraale way u caddeeyaan Shacabka reer Muqdisho in Suuqa Bakaarahu yahay meel ciidamada ka caagan. Runtii, dowladda Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM way taageeraan ganacsiga Bakaare ka jira, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa badeecooyinka garoonka diyaaradaha iyo dekadda weyn iyo waliba wax kasoo iibsiga halkaas,” ayuu yiri Md. Jaamac.

Waxa kale ee uu tilmaamay in suuqyada kale ee Muqdisho ku yaalaa si fiican u shaqeynayaan sida Suuqa Weyn ee Madiina iyo Ka XamarWeyne taasoo ku tusineysa sida aysan AMISOM dan uga lahayn, uguna socon caqabado u dhigidda dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka jira goob kasta oo Soomaaliya ka mid ah.

Dhammaad

Ministry of Information<medialiaisonsomalia@gmail.com>

Comments are closed.