Dowlada Kuwait ayaa ka dhabeysey Balanqaadkii ay umada Soomaaliyeed ugu balan qaadey iney ka caawin doonto Abaaraha ka jira qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya iyadoo ay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ay ka degeen Diyaarado ay leeyihiin ciidanka Cirka ee Dowlada Kuwait isla markaana siday shixnadii ugu horeysey ee deeqaha
Wefdigan oo uu horkacaya Danjire Cumar Xaaji Cali iyo Hay’ada Laanqeyrta Cas ama Bisha cas ee kuwait ayaa Airportka waxaa kusoo dhoweeyey Wasiirka Difaaca ee Dowlada ku meel gaarka ah.
Deeqdani oo gaareysa illaa iyo 20 Tann ayaa waxa ay ka koobneyd raashin Timir Teendhooyin Caano iyo agabyo kale kuwaas oo ururka bisha cas ee dalka Kuwait markii ugu horeysay guddoonsiiyay guddiga gurmadka abaaraha dalka si loogu qeybiyo dadka dhibaateysan.
Diyaaradaha siday shixnadaha gargaarka ayaa waxa masuuliyiintii la socotay ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sh. Abuubakar iyo agaasimaha tabarucayaasha ururka bisha cas ee dalka Kuwait Musaacid Raashid Alcinsi.
Wafdigaasi ka socday dalka Kuwait ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ma’suuliyiin ka tirsan guddiga gurmadaka abaaraha dalka.
Musaacid Raashid oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa sheegay in deeqdani ay tahay tii ugu horeysay ee ururka bisha cas ee Kuweyd uu soo gaarsiiyo dalka, waxa uuna tilmaamay in deeqdaasi cadadkeedu yahay 20 Tan islamarkaana ay dhinaca kale jirto in xukuumadda Kuwait ay ugu tabarucday dadka Soomaaliyeed lacag dhan 10 Milyan oo Dollerka Mareuykanak ah.
Sidoo kale guddoomiyaha gurmadaka abaaraha C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo isna la hadlay saxaafadda ayaa ka mahadceliyay deedqan gaergaarka ah isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Boqorka Kuwait, shacbiga iyo dowladoodaba sida wanaagsan oo ay ugu damqanayaan xaaladda adag ee haysata dadka Soomaaliyeed.
Ambasador C/qaadir Amiin Sh Abuubakar safiirka Soomaaliya ee Kuwait oo wareysi qaas ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa ugu mahadceliyay dowladda Kuwait kaalamada ay soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed waxa uuna xusay safiirku in maalmaha soo socday ay shixnado kale oo gargaar ah la soo gaarsiin doono dadka Somaaliyeed isagoo hoosta ka xariiqay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ay waddo olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeeed ee ay saameeyeen abaaraha.
Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Kuwait diyaarado wada shixnado gargaar ah u soo dirto Soomaaliya tan iyo markii ay bilowdeen abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya islamrkaasna ay ku qasbeen qoysas faro badan inay isaga soo haajiraan deegaannadooda oo ay u soo hayaamaan magaalada caasimadada ah ee Muqdisho.
LaasqorayNET-RM.












