webmaster@laasqoray.net

Dowlada oo sheegtey in Shirka wadatashiga uu Muqdisho ka dhacayo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la isku afgartay in shirkii wada tashiga ee horay ay u iclaamisay Qaramada Midoobay uu ka dhici doono magaalada Muqdisho waxqti aan la caddeynin.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Oomaar oo Radio Muqdisho waraysi siiyay ayaa sheegay in  ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr.Augostine mahiga  uu shirka IGAD ka hor caddeeyay in shirkaasi wada tashiga ah uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyay in markii hore ay jirtay cabsi cabsi ammaanka laga qabay hase yeeshee ay hadda suuragal tahay.

Omaar ayaa sheegay in dowladda FKMG ah iyo Urur-goboleedka IGAD ay soo dhaweeyeen tallaabadaas oo horay u qaadi karta ammaanka iyo dib-u-heshiisinta waddanka.

Radio Muqdisho+LaasqorayNET

 

Comments are closed.