Warsaxaafadeed uu soo bandhigey wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cabdi Cusmaan Maxamed, Cabdi Jamaal ayaa waxa uu ku muujiyey wel welka iyo walaaca ay Dowlada Puntland ka qabto xiriirka u dhexeeya Mucaaradka Dowlada Somalia ee Alshabaab iyo Gooni isutaaga maamulka Somaliland.
Warsaxaafadeedka ayaa waxa uu u qornaa sidatan hoos ku qoran.
Waayahaan waxaa si isdaba joog ah uga soo yeerayay Maamulka Somaliland hadalo aan munaasab ahayn oo ku aadan wax ka sheega Dowladda Puntland iyo adkaynta amaankeeda. Marka hore waxaan rabnaa inaan cid walba u cadayno in ciidamada Dowladda Puntland ay yihiin kuwo ay kula dagaalamayso Argagaxisada, Burcad-badeeda, Tahriibta iyo cid kasta oo ku howlan dambiyada abaabulan, kuna adkaynayso amnigeeda iyo xasiloonida gudaha, waxaana la yaab in ay Somaliland arrintaasi khatar u aragto.
Waxaa xusid mudan in ugu yaraan dhowr jeer ay Dowladda Puntland fulisay ayna ciidamo uga dhinteen howlgalo Burcad-badeeda ka dhan ah oo lagu badbaadiyay gadiid iyo badeecad u raran Somaliland. Waxaa kale oo wararka isdaba joogga ah ee Saraakiisha Hargaysa ka soo yeerayay, uuna ugu danbeeyey waraysigii uu BBC-da siiyay Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE 30 Dec 2010, ee kicinta, tumida durbaan-colaadeedka, iyo ka hadalka macdantu ayna kala mid yihiin afhayeenkii kooxda Al Shabaab ee Maxamad Siciid Atam ay hoosta ka xariiqayso sida ay weli gabaad iyo abaabul u siinayaan haragii kooxda Al Shabaab ee dhowaan lagu jabiyay Buuraleyda Galgala.
Puntland waxay diyaar u tahay Soomaalinimo, deris-wanaag, iyo wax-wada-qabsi cidnana cadow iyo duulaan kuma aha. Waxay kaloo Puntland ku howlan tahay isu-keenid ku salaysan dib-u-heshiisiinta qeybaha kala gedisan ee Bulshada Soomaaliyeed, sidii ay isugu keentay shirweynihii Culumaa’udiinka, Shirkii Haweenka Soomaaliyeed iyo Ciyaarihii 18aad ee Gobollada Soomaaliyeed oo markii ugu horaysay lagu qabtay Garowe tan iyo 1987kii. Dowladda Puntland waxay ku howlan tahay adkeynta amnigeeda si loo xaqiijiyo hor’umarka dadka iyo dalka loona abuuro jawi saamaxaya maalgelin sokeeye iyo mid shisheeye. Cid kasta oo Soomaali ah oo sidaa oo kale samaysa kama xumin oo waanu taageeraynaa.
Waa Somaliland midda dal iyo dad aysan lahayn ku soo duushay oo gardarro ku joogta, waana Somaliland midda hadda ku howlan abaabul-colaadeed jabhadaysan iyo dib-u-nooleyn haraagii kooxda Al Shabaab ee u fakaday buuraleyda galbeed ee Gobolka Sanaag. Waxaan kula talin lahayn Maamulka Somaliland inay durbaan-coladeedka ay garaacayaan iyo malahooda been-awaalka ah ku bedelaan horumarinta dadkooda iyo degaankooda, tixnagaliyaan deris-wanaaga.
Waxaan Beesha Caalamka ka codsanaynaa inay si taxadar leh ula socdaan xaalad-abuurka beenta ah ee ka soo yeeraya Maamulka Somaliland. Waxaanu mar kale ku celinaynaa in ciidamada Dowladda Puntland ay u taagan yihiin qaybna ka yihiin sugida amniga guud ee mandaqada Geeska Afrika.
Ugu danbayn, Puntland waxay mar kasta diyaar u tahay in khilaaf kasta oo Soomaalida dhexdeeda ah lagu xaliyo nabad iyo wada-hadal.
Dhamaad:-
