Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa war kasoo saartey dabley hubeysan oo sida la sheegey ku kacay arimo lid ku ah amniga Dowlada Puntland islamarkaana ay ciidamada Dowlada ay gacanta kusoo dhigeen.
Warkan ay dowladu kasoo saartey arintan ayaa u dhignaa sidan hoos ku qoran:
Ciidamada Dowladda Puntland oo Howlgal ku Qabtay Gacan-ku-dhiiglayaal
Ka dib dilkii maalintii Arbaco (6 Abriil 2011) ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa Ciidamada Amnigu bilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan gacanku dhiiglayaasha, waxaana si adag loo adkeeyey baraha booliska iyo jidadka u baxa duleedka magaalada.
Ciidamada Dowladda kadib markii ay xogo heleen oo lagu aqoonsaday dadka dilkaan ka dambeeyey ayaa isku hareereeyey goob 40km kaga began koonfur-galbeed ee Magaalada Garowe halkaasoo tacshiirad ay kala kulmeen koox hubeysan, oo ay ka mid ahaayeen eedeysanayaashii dilkaasi fuliyay.
Howlgalkaas ciidamada Puntland ayaa waxaa ku dhintey nin la aaminsanaa inuu ka dambeeyey abaabulida falkii lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Maxamad Yaasiin Ilkacase oo ka mid ahaa howlwadeenadii ka shaqeyn jirey hay’ada cilmi barista ee PDRC ee Garowe, iyo labo ka mid ah ilaaladiisa gaarka aheyd (Marxuum Maxamud Maxamad Cawad iyo Marxuum Maxamad Barre Cali) oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada kuwasoo ku dhintey tacshiiradii lala beegsadey gaari ay wada saarnaayeen.
Isla-howlgalkaas ayaa waxaa lagu qabtey gacan-ku dhiigle dhaawac ah. Dowladda Puntland oo xil ka saran yahay ilaalinta amaanka muwaadiniinteeda ayaa dilkaan baaritaan ka bilowdey iyadoo la aaminsan yahay inuu la xiriiro aano qabiil.
Ugu dambeyntii, Dowladda Puntland ayaa tacsi u direysa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen sadexdii Marxuum oo gacan ka xaq daran ku dhishey magaalada Garowe.
Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net
