Dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia ayaa maanta warsaxaafadeed ay kasoo saartey magaalada Muqdisho waxay ku canbaareysey falal is midaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaaley magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedkii ayaa u qornaa sida hoos ku qoran:
War Saxaafadeed 011/2011
(Muqdisho, Febraayo, 21, 2011) Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta si xooggan u cambaareysay weerar naftii-halligis ah oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Muqdisho. Xukuumaddu waxay muujisay sida ay uga naxday khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhashay.
Toddobo qof ayaa naftooda ku waayay weerarka, iyadoo 35 kalena ay ku dhaawacmeen. 15 ka mid ah dhaawaca isbitaalka waa laga bixiyay kaddib markii la daweeyay, iyadoo 20 kalena ay weli isbitaalka ku jiraan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur ah oo kala jiray 10 iyo 11 sano jir oo ka ag dhowaa goobta.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ahaa dad rayid ah oo ay ka mid ahaayeen dad meesha ku sameynayay orod jimicsi ah.
Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, ayaa yiri:
“Wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah. Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka inay bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”
“Hase ahaatee ciidankeenu kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan inay dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”
Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa qoysaskii dhibaatadu ka soo gaartay weerarka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
Weerarkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii Al-Shabaab ay ku weysay saraakiil sare oo shisheeye ah iyo dagaalyahanno Soomaali ah kaddib markii ciidanka Dowladda iyo AMISOM ay qaadeen howlgallo.
Wasaarada Warfaafinta.
medialiaisonsomalia@gmail.com
