webmaster@laasqoray.net

Dowladda Mareykanka oo ka Shalaysay Galitaanki Ciidamada Ethiopia Gudaha Soomaaliya.

Donald Yamamoto oo ka tirsan diblumasiyiinta Wadanka Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay si aad ah uga qoomameysay duulaankii ay maalgalisay ee Ciidamada Ethiopia ay ku soo qaadeen dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Ilaa 50 kun oo askari oo Ethiopian ah oo ay taageerayeen Gaadiidka Dagaalka ee looyaqaan Taangiiyada T-55, diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka oo ay ku rakibnaayeen qoryaha Suugaga ah ee looyaqaan Su-27 iyo agab kale oo militari ayaa Soomaaliya ku soo duulay Sanadkii 2006-dii xili ay soo ifbaxayeen midowgii Maxkamada Islaamiga Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka oo aheeyd dowladii dabada ka riixeysay duulaankaasi ayaa hadana waxaa jiray wadan ka mid ah wadamada carabta oo si aad ah uga warhayay ku lug lahaanshiyaha dowlada Maraykanka ee weerarka ciidamada Ethiopia ay ku soo qaadeen Soomaaliya, sida uu qoray Wabseedka WikiLeaks, kaasoo daaha ka rogey in Amiirka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu January 2007-dii Magaalada Dubai kulan Casho ah kula qaatay Janaraal John Abizaid oo ahaa taliyihii Ciidamadii Maraykanka ee xiligaasi

Weerarka Soomaaliya oo ahaa mid ka yaabiyay dunida inteeda kale ayaa hadana waxaa uu sii huriyay cadowtooyada fog ee ka dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoon cidna aanay filaneyn dagaalka waxuushtinimada ah ee ciidamada Ethiopianka ay ugu soo duuleen inta badan koofurta Soomaaliya oo xiligaasi ay xakumiyeen Ciidamada Midowga Maxkamada Islaamiga, waxeyse beesha Caalamka ay si cad ula socotay in Ethiopia aysan marnaba awoodi karin in ay ku duusho Soomaaliya islamarkaana aysan heysan ciidamo kuwa cirka ah oo gacan ka siiya dhinaca hawada hase ahaatee Wabseedka WikiLeaks ayaa sheegay in weerarkaasi ay qeyb ka ahaayeen calooshood u shaqeystayaal u kala dhashay dalalka Ukraine iyo Russia kuwaasi oo duuliyaal ka ahaa diyaaradihii ka qeyb galay duulaankii dhicisoobay ee Ethiopia ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada Ethiopia malaheyn Sirdoon iyo xirfadda Loojistikada oo ay awood ugu yeeshaan inay u babac dhigaan weerar toos ah oo ay ku qaadaan Soomaaliya, hase ahaatee waxaa arintaasi kaalin nug leh ka cayaartay dowladda Maraykanka oo fududeysay wax waliba sida lagu daabacay Wabseedka WikiLeaks.

Washington ayaa door muhiim ah oo aan cidina ka daahsooneyn ka ciyaartay dagaalkii ciidamada Ethiopianka ay ku qabsadeen koofurta Soomaaliya kaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa 20 kun oo ruux halka in ka badan 2 milyan oo kalana ay guryahoodii isaga barakaceen balse Pentagon-ka iyo Aqalka Cad ayaa walaac ka muujiyay markii uu guuldareystay duulaankaasi.

Sedax sano kadib waxaa dowladda Maraykanka u cadaatay in duulaankii sida gaarka ah ay u wadatay uu guuldareystay islamarkaana ay fikradaasi aheeyd mid aad u xun kadib markii dadka shacabka Soomaaliyeed ay u midoobeen ciidamadii Ethiopianka ee ku soo duulay taageero buuxdana ay siiyeen midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee xiligaasi.

Inkastoo Ethiopianku ay Soomaaliya ku sugnaayeen mudo labo sano ah, dhiig farabadan uu ku daatay gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa Ethiopianku ay kala kulmeen shacabka Soomaalida cadowtooyo marba marka ka sii dambeysay uga imaaneysay Shacabka taasna waxa ay sababtay in Ra’iisul wasaare Meles Zanawi uu ciidamadiisa ku amro inay ka baxaan Soomaaliya islamarkaana uu arintaasi ka dhaadhacsiiyo dowladda Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Ethiopianka ayaa Waxaa ay Soomaaliya ka baxeen 2009-kii iyadoo wixii intaasi ka dambeeyana ay soo ifbaxeen Xoogaga Al Shabaab oo ka tirsanaa Midowgii Maxkamada Islaamiga ee la dagaalamay ciidamada Ethiopianka kuwaasi oo weerarkii ugu horeeyay ee is qarxin ah fuliyay intii ay joogeen Ciidamada Ethiopia.

Ugu damebyntii Donald Yamamoto ayaa yiri “ waxaan sameyney qaladaad farabadan oo ku saabsan duulaankii Ethiopia ay kugashay Soomaaliya sanadkii 2006-dii, talaabadaasina ma aheeyn mid wanaagsan” sidaasina waxaa hadalkii kusoo gaba gabeeyay Donald Yamamoto oo muujiyay sida Maraykanku uu ugu guuldareystay duulaankii Ciidamada Ethiopia ay ku soo qaadeen Soomaaliya.

Halkan Ka Akhriso Warbixinta oo English ah.

http://hiiraan.com/news2/2010/Dec/us_embassy_cables_ethiopian_intelligence_chief_gives_rare_interview.aspx

Comments are closed.