Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland islamarkaana ah kusimaha Madaxweynaha Gen C/samed Cali Shire iyo masuuliyiin kale oo Dawladda katirsan ayaa maanta Deegaanka Bandar Siyaada ee duleedka Galbeed ee Magaalada Bossaso tababar uga furay dufcaddii labaad ee Ciidamada Badda Dawladda Puntland.
Ciidamada maanta tababar loo furay oo ahaa qaybtii labaad ayaa tiro ahaan dhamaa 220-askari waxaana munaasabadaasi goobjoog ka ahaa masuuliyiin sar sare oo katirsan Dawladda Puntland iyo masuuliyiin ka socotay shirkadda Dawladda ka gacan siinaysa dhisitaanka Ciidamada Badda.
Kusimahaa Madaxweynaha ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbad uu ciidanka kula dar daarmay wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay ogaadaan ciidanka tababarka loo soo xiray in ay yihiin Ciidamo loo tababaraayo difaaca dhinaca badda Puntland iyo ladagaalanka Burcad Badeedda iyo weliba tahriibta.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka looga baahan yahay in ay siwanaagsan uga qayb qaataan tababarka ama uga faa’iidaystaan tababarka isaga u mahad celiyey saraakiisha hay’adda ee halkaasi goob jooga ka ahaa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu beeniyey in Ciidamadan ay yihiin kuwo meel kale duulaan ku ah hase yeeshee waxa uu sheegay caddeeyey in ay gacan bir ah ku qaban doonaan ciddii kusoo gardaroota Puntland ciddii doonta ka ha noqotee.
Furitaanka tababarla ee qaybta labaad ee Ciidamada Badda Dawladda Puntland ayaa ka dambeeyey kadib asbuucii lasoo dhaafay uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland tababar usoo gaba gabeeyey qaybtii hore oo tiro ahaan dhamayd 154-askari.
Sikastaba dhisitaanka Ciidamada Badda Puntland ayaa walaac badan laga muujiyey iyadoo maamulka Somaliland oo Puntland uu xifaaltan siyaasadeed ka dhexeeyo uu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Ciidamada Badda Puntland.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
