Waxaa shalay galabnimadii kasoo degey gagida dayuuradaha Bandar Qaasim Airport ee magaalada Boosaaso dufcaddii ugu horreysey ee xujeydii sannadkan kasoo xajidey gobollada Sanaag Haylaan iyo galbeedka Bari.
Xujeydan reer Maakhir oo tiradoodu kor u dhaafeysey 40 xujey ah ayaa waxay si nabad gelyo ah ugu soo guryo noqdeen dalkoodii iyaga oo soo gaadhey shalay magaalada Boosaaso waana dufcaddii ugu horreysey ee xujeyda reer Maakhir oo dalka dib ugu soo laabatey
Sheekh Xasan Xuseen oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee gobollada Maakhir isla markaana hogaaminayey xujeyda sannadkan ka tagtey gobollada Maakhir oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhney ayaa noo xaqiijiyey in xujeyda ay nabad qabaan isla markaana aaney jirin wax khasaare ah oo soo gaadhey xujeyda intii ay socotey acmaashii xajku.
Sidoo kale waxaan xidhiidh la sameyney Xamari Axmed Cabdalle oo isagu ka mid ahaa hage-yaasha xujeyda reer Maakhir, wuxuuna xamari shaaca ka qaadey in tirada xujeyda reer Maakhir ee sannadkan ay kor u dhaafeysey 90 xaaji, isaga oo intaa ku darey in dhamaantood ay wada caafimaad qabaan marka laga reebo odey ka mid ahaa xujeyda oo xaalad caafimaad awgeed cusbitalka magaalada Makka la dhigey isagana iminka xaaladdiisu ay aad u fiican tahay.
Isku soo duuboo xujeyda sannadkan 2010 ka ayaa si weyn u amaaney masuuliyiinta boqortooyada sucuudi carabiya oo dadaal weyn u galay sidii loo fududeyn lahaa hawlaha xajka, isla markaana loo xakameyn lahaa dhibaatooyinkii dhimashada iyo dhaawaca keeni jirey ee hore looga bartey iney ka dhacaan jamaraadka (dhagax tuurka sheydaanka) iyo goobo kale oo dadku ay cidhiidh ka dareemi jireen.
Xingaloolnews.com
