Xaflad lagu sabootinayey xubin ka tirsan golahad deegaanka gaar ahaan gudida joogtada ah ee degmada Badhan oo safar wax barasho ugu kici timaysa dalka suudaan, halkaas oo ay rajaynayso inay gasho Jaamacad Caafimaad ah.
Xafladaasi waxay ka dhacday hoolka shirarka ee golaha deegaanka, xubinta oo lagu magcaabo Xaawo Cumar Axmed Faatax ayaa caawa waxaa xaflad ay ka soo qayb galeen gudiga joogtada ah ee golaha deegaanka deg Badhan loogu qabtay, iyada oo halkaas furtaankii xaflada ka dib ka war bixisay xubinimadeedii iyo shaqo wanaagii ka dhexeeyey dhamaad golaha degaanka ee degmada kuna wereejisay hantidii iyo agabkii ay u haysay golaha.
Sidoo kale waxay xaawo ku dheeraatay dardaaran iyo waano ay u soo jeedisay dhamaan golaha iyada oo aad ugu tirtirsiday sida ay ugu soo banaan bexeen u shaqaynta umada ay halkii ka sii wataan oo ay cida u heelan wax u qabashada bulshada gacmaha qabsadaan dal iyo debedba.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Maayarka iyo xubnihii kale ee ka soo qayb galay xafladaas iyada oo hadalo dhaxal gal ah uga soo jeediyey oo isug jira waano, talo iyo duco aad u faro badan, waxayna dhamaan goluhu ku nuux nuux sadeen inaan la heli karin xaawo oo kale xaga kartida, amaanda iyo dhan walba oo qof shaqo ku jiraa looga baahan yahay, halkaasna laysku sabootiyey.
Daawo Sawirada





