webmaster@laasqoray.net

Duqa Cusub ee Degmada Bahdan oo shiidaal gudoonsiiyey Riiga Badhan

Badhan: Guddoomiyaha golaha degaanka ee degmada Badhan Md. C/risaaq Axmed Ciise, ku xigeenkiisa Mrw. Zaynab Cabdi Aar iyo xubno kale oo ka mid ah gudida joogtada ah ee golaha degaanka  degmada Badhan ayaa saaka ku wareejiyey riigga magaalada Badhan 800 ltr oo shidaal ah .
Maayarka ayaa shidaalka kala wareegey guddoomiyaha ganacsatada Ciise Galaasle, ugana mahad celiyey shidaalkan oo ay ku deeqday shirkadda Golis.
Ma aha markii ugu horeysey ee shirkadda Golis ay gacan  ka geysato arimaha bulshada iyo taakulaynta dadka dhibtu  ka soo gaadho abaaraha, waxay kaalmo noocan oo kale ah  ka fulisay magaalooyinka Xingalool, Hadaaftimo, Dhahar, Ceerigaabo iyo magaalooyinka gobolka oo dhan.
Sidoo kale waxay gacan ka geysatey mashaariic wax ku ool ah oo ay ka mid tahay dib u habaynta wadada geeldoora iyo hirgelinta wada xidid ee isku xidha badhan iyo oogo, sidaasna waxa warbaahinta u sheegay maamule ku xigeenka xarunta badhan Eng Maxamed Axmed Cali (Afrikaan)
Dhankiisa waxa isaguna maayarka ka guddoomey shidaalkaas masuulka riigga Maxamed Saleebaan, wuxuna sheegay in riiggu  magaalada Badhan ku fillaa ka hor intii aan daynabadii weyneyd xumaan, wuxuna sheegay iney hadda biyo 1000 ltr gaadhaya magaalada Badhan siiyaan 24 saacadoodba, biyahaas oo aan waxba ka tari karin baahida bulshada, hase yeeshee haddii daynabo weyn la helo biyaha aan siinno bulshada magaaladu wey laban laabmayaan .
Maayarka ayaa ganacsatada , hay’adaha iyo jaaliyadahaba ka codsaday iney daynabadaas la soo gaadhaan riigga magaalada Badhan, si bulshada magaalada Badhan uu u gaadhsiiyo wixii awood biyo ah .
Arintaasna waxaa  ka soo jawaabey qaar ka mid ah jaaliyadaha dibadda oo ballan qaaday iney iibinayaan si dhakhso ah daynamadaas
Golaha degaanka ee dhowaan la yagleelay ayaa waxay  la kowsadeen dhibaatada abaaraha, waxayna xoogga  saarayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen gurmadka abaaraha .
Maxamuud Ciyoon Badhan

Comments are closed.