webmaster@laasqoray.net

Duqa Degmada Boosaso Oo Maanta La Doortay

Munaasabad lagu dooranayay Duqa degmada Bosaaso ahna Gudoomiyaha golaha degaanka ayaa barqadii maanta ka dhacdey xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaaso, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin,Waxgaradka, Aqoonyahano, Ururka Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Masuuliyinta kasoo qaybgashay waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladda Hoose Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir),Wasiirka Amniga Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Dekaddaha iyo gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire,Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Dheere,Wasiir kuxigeenka amniga Cabdi Jamaal, Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Gallan iyo Duqi hore ee Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje.

Xildhibaanada golaha degaanka ee maanta soo xaadiray munaasabada ayaa tiradooda ahayd 26-qof,waxaana soo xaadirin saddex Xildhibaan oo aan la aqoon waxay la xirrirto maqnaanshahooda.

Ilaa afar musharax ayaa iskusoo taagay xilka duqa degmada,balse waxaa soo xaadirtay goobta labo musharax oo keliya oo kala ahaa;

1.Xassan Cabdalle Xassan
2.C/qaadir Yuusuf Daahir

Musharixintaan ayaa goobta kasoo jeediyey khudbado la xirrira taariikh nololeedkooda iyo waxaa ay qorsheynayaan in ay qabtaan hadii ay ku guuleystaan xilka ay u tartamayaan,waxaana markii labadooda la dhageystay khudbadooda madasha kaga dhawaaqay inuu xilka ka tanaasulay C/qaadir Yuusuf Daahir oo ahaa kuxigeenkii duqa degmada Bosaaso ee kumeelgaarka ahaa,waxaana uu sheegay inuu u tanaasulay musharaxa kale ee la tartamayay.

Xildhibaanada golaha degaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku doortay Duqa degmada Bosaaso Mudane Xassan Cabdalle Xassan oo helay 26-cod sidaasna uu ku noqday Duqa degmada Bosaaso.

Intaas kadib ayaa la guda galay doorashada Kuxigeenka duqa degmada Bosaaso, waxaana u tartamaysay labo musharax balse oo keliya usoo xaadiray oo keliya hal musharax oo keliya oo lagu magacaabo Siciid C/raxmaan (Garoon).

Xildhibaanada golaha degaanka ayaa sidoo kale kuxigeenka Duqa degmada Bosaaso u codeeyey si aqlabiyad leh musharax Siciid Garoon.

Duqa degmada Bosaaso cusub iyo kuxigeenkiisa ayaa isla markii lagu dhaariyey goobta,waxaana hadalo ay ka jeediyeen goobta ka sheegeen in si daacad ah u gudan doonaan waajibaadka loo igmaday.

Wasiirka arimaha gudaha Gen. Ilkajiir ayaa sheegay in howl baaxad leh ay sugayso labada masuul ee maanta la doortay,waxaana u tilmaamay in lala xisaabtami doono isagoo ugu baaqay Xildhibaanada golaha degaanka in ay la shaqeeyaan.

Duqi hore ee degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo goobjoog ka ahaa munaasabada ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka maanta ay u dhacdey doorashada,wuxuuna tilmaamay in xilka uu si wanaagsan ku wareejin doono maamulka cusub isla markaana uu la shaqeyn doono.wuxuu intaas raaciyey mudadii uu xilka hayey uu la kulmay caqabado badan oo ay ugu weynayd amniga magaalada oo ay ka dhici jireen dilal iyo qaraxyo balse maalmahaan ay wanaagsan tahay,siduu sheegay.

Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan xubnaha golaha degaanka iyo maamulka cusub in ay kawada shaqeeyaan danta guud lagana sugaayo waxqabad buuxda in ay la yimaadaan.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Issimada Puntland kuna hadlay Dhaqanka ayaa sheegay in magaalada Bosaaso ay hadda u baahan tahay in laga shaqeeyo nabadda,wuxuuna Alle ka baryey inuu Soomaalida ka saaro dhibaatada hada jirta ee isku jira Colaada iyo abaarta.

Duqa cusub ee magaalada Bosaaso ahna Gudoomiyaha golaha degaanka Xassan Cabdalle Xassan oo Xukuumadii hore ee Cadde Muuse soo ahaa mar Wasiir kuxigeenka Maaliyada ayaa looga fadhiya arimo badan inuu wax ka qabto.

XIGASHO, MAREERO

 

Comments are closed.