Gudoomiyaha Degmada Laasqoray oo Xafiiskiisa Magaalada Laasqoray maanta shir jaraaid ku qabtay ayaa ka hadlay kooxo dhowaan dhac iyo Bililiqo u geystay Sarkiil ka tirsan Hay,adda Horn-Relief,Waxaana uu sheegay in Maamulka Degmada tan maalintii falkani dhacay uu degdaal xoogle ugu jirey Habkii wax looga qaban lahaa xaaladaasi dhacday oo ay Werarka ku qadeen koox dhalinyaro ah oo 3Nin ahaa Sarakiil ka tirsan Hay,adda Horn-Relief oo beryihii u damayey lacago deeq ah ka bixinaysey Gobolka sanag.
Yusuf Jaamac Dibed Gudoomiyaha Degmada Laasqoray ayaa sheegay inay ragaasi ciidamo badan ku maqan yihiin oo ka tirsan Ciidanka Amaanka ee Hay,adda iyo Booliiska Puntland ee ka soo jeeda Degmada Laasqoray kuwaasi oo xabsiga dhigi doona inamada Fowadada bilaabay isla markaasina dib loogu celiyo lacagihii iyo Qarashaadkii Hay,adda laga bililiqaystay.
Dhinaca kale Sadaad Axmed Sadaad oo u Waramayey Idaacada Daljir Habeen hore ayaa faah faahin ka bixiyey Dilkii nin ka tirsanaa Sarkiisha Amaanka degmada Laasqoray isagoo sheegay inay arrintaasi ahayd Mid aad walaac ugu Abuudhay Madaxda Sare ee Hay,adda isla markaasina aan loo baahanay.
LaasqorayNet+Dhahar.com
