Waxaa caawa abbaarro 7-dii fiidnimo dil loogu gaystay Magaalada Bossaso Suldaan Ciise Xassan Cumar oo kamid ah Isimada Gobolka Bari dilkiisana waxaa gaystay kooxo ku hubaysan Bastoolado oo aan haybtooda lagaranayn.
Suldaanka ayaa la dilay isaga oo kasoo baxay Masjidka Al Aqsa ee dhinaca Galbeed ee Magaalada Bossaso ilaa iyo iminkana laga oga cidda ka dambaysay dilkiisa iyadoo dilka Suldaanku noqday mid saamayn xooggan ku yeeshay Magaalada Bossaso isla markaana laga cambaareeyey.
Dilka Suldaanka ayaa waxaa gaystay sida la sheegay kooxo afka soo duubtay kuwaasi oo ku hubaysnaa bastooladdo isla wakhtigii ay dilka gaysteen ayey isaga baxsadeen goobtii uu dilku ka dhacay.
Wax yar kadib xilliga uu dilku dhacay ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso mana jirin ilaa iyo hadda cid ay usoo qabteen dilka Sundaan Ciise Xassan Cumar caawa Magaalada Bossaso loogu gaystay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska oo aan waxka waydiinay dilka marxuumka ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dilka Suldaanka, hase yeeshee waxay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan ogaanshaha dadkii dilkaasi ka dambeeyey.
Dilka Suldaan Ciise Xassan Cumar caawa loogu gaystay Magaalada Bossaso ayaa waxaa siweyn uga xumaaday dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Bossaso iyo guud ahaanba Deegaanada Puntland.
Waa markii ugu horay oo Magaalada Bossaso dil caynkan ah loogu gaysto qaar kamid ah Isimada Puntland arrintan ayaa noqotay mid ay siweyn uga xumaadaan guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada Puntland.
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

November 21, 2010 at 1:58 pm
warsangaliyoow atam waxuu samaynayo iyo iska doon doonidiisa alshabaab inuu dadka ku laayo hadaba iskaga hara anaga hadaa nahay beesha nabada iyo nolosha iyo dowladnimada jecel ee majeerteen qofne ka yeeli mayno inuu dadka masiikiinta oo bir magaytada ah in horteeno maalin walba lagu laayo….ogaadana howlgalkii galgala ma dhamaan waxuu ka bilaaban wajigiisa labaad dhahar ilaa ceergaabo agteeda meel walba uu atam iyo taageerayaashiisa ay galaan waan ugu tagaynaa marka tolkayoow niyada wanaagsada oo dowladiina puntland taageera inleen nabada dadkoo dhan bayy dan ugu jirtaaye
wabilaahi towfiiq
sheekh axmed
November 21, 2010 at 8:04 am
Waa Warey War Warsan Gali Ma Idiin Danbaa In Maalin Walba Muuse Ciise Wasiir Kiina Xabad Isla Hortagaan Hade Shalay Ayey Aheyd Markii Ciidanka Muuse Ciise Ay Dhashiike Ooda Kaga Qadeen Ilaalada Wasiirka, Gen, Ilkajiir Ma’udanbaa In Maalin Waba Muuse Ciise Saas U Galaan, Faroole Wuxuu Is Yiri Waxaa Meesha Kabaxay Attam Hade Attam Badan Wale Warlidaa Muusow Warlidaa! Hadaba Waxaan Idiin Soo Jedinayaa Inaad Iska Shataan War Waxaan Waa Qabyaladeyse Ciise Waa Kala Raray Jili Qaran Ma Difaacdoh Muuse Ciise Markii Cade Isa Sarayey Waxay Ahayeen Xaadir Waxaa Meesha Dagaal Hadii Ay Noqotoh Waa Abokor Ciise Iyanah Marabaan Faroole Oo Waanu Ognahay Reer Putland Waxaa Haatan Haystaan Fursad