webmaster@laasqoray.net

Faahfaahin Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Dil Loo Geystey Nin Raysal Wasaare Farmaajo uga yeerey Minneapolis oo Lagu Diley Muqdisho

Waxaa Arabacadii  Magaalada Muqdisho lagu Diley nin Ganacsato ah oo gobolka Minnesota ee  Dalka Mareykanka ugu Yimid in gacan siiyo Raiil Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Waxaana Ganacsadahaas lagu magacaabaa Bashir Axmed Cabdi  oo da’diisu ahay 51 Sanno wuxuuna dilkiisa uu ka dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee ay Maamusho Dowlada Federaalka

Markii uu dilka dhacayey ayaa Bashiir oo wata Gawaari uuna marayo Agagaarka Golaha shacabka ama Taalada Sayidka ayaa la maqley dhawaaqa Rasaasta markii goobta la soo gaarey ayaa loo yimid Bashiir oo dhowr Xabadood ku taal  waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan dilka ninkaas, qaar ayaa sheegay in gaari uu soo dabagaley ka dibna gaarigiisii uu rasaas ku furey , warar kale ayaa sheegaya in nin Bistoolad wata oo labisnaa Dharka Ciidamada Dowladda uu rasaas ku furey Marxuum Bashiir ka dibna baxsadey. Warar kale ayaa sheegaya in Marka uu marayo agagaarka Galaha Shacabka ay ku dhacdey rasaas Wiifto oo inta badan ay ku waxyeeloobaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda Cid sheegaytey ma jirto dilka Bashiir Axmed Cabdi oo ganacsi  ku lahaa dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, wuxuuna Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa muddo Todobaad  ah hase yeeshee Dowladda Federaalka wax war ah kama soo saarin dilka Ganacsadahaas oo wararka qaar ay sheegayaan in Rasiil Wasaare uu ka dhigi lahaa la taliyaha Rasiisul Wasaaraha ee dhinaca Sharciga, waxaana dilkiisa ka xumaadey Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha Shiikhaal oo uu ka dhashey Ganacsadahaas waxay  ka codsadeen Dowladda Federaalka in ay faafaahin dheeraad ah ka bixiso qaab loo diley Ganacsade Bashiir Axmed Cabdi.

Mukhtaar Cismaan oo ay Qaraabo yhiin Marxuum Bashiir ayaa u sheegay Telefishinka FOX 9 NEWS ee laga leeyahay Dalka Mareykanka in aysan garaneyn sababaha loo diley Bashiir oo uu sheegay in Muqdsiho u yimid in taageero xoog leh uu siiyo Dowladda uu Raiisul WAsaaraha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

VIDEO HALKAN KA DAAWO:

Marxuum Bashiir ayaa la sheegay in ay si aad isu yaqaaneen Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la sheegey in ay dhowr jeer  ku kulmeen degmada Buffalo ee Gobolka Newyork xilli uu Raiisul Wasaaraha uu ka shaqeynayey  iyadoo warar kale ay sheegayaan in la doonayey in uu ka howlgalo Xafiiska Raiisul Wasaaraha iyadoo goobta lagu diley Marxuum Bashiir ay si aad ah u ilaaliyaan Cidamada Amisom iyo kuwa dowlada.

Bashiir oo ka tagey Xaas iyo Afar Carruur ah ayaa waxaa halkaan tacsi uga diraya Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka oo iyagu ka codsadey  Dowlada Federaalka in baaritaan lagu sameeyo qaabkii uu loo dileu Bashiir Axmed Cabdi.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Comments are closed.