Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee qaybeheeda kala duwan ee daneeya waxbarashada iyo horumarka wadanka Soomaaliya iyo aayo ka talinta ubadka Soomaaliyeed in degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag Soomaaliya ay ka socota dhimaha dugsiga sare ee Ceelbuh.
Dhamaan jaaliyadaha dibeda, aqoonyahana iyo macaahida kala duwan waxaa laga codsanayaa in ay ka qaybqaataan hirgelinta dugsiga sare ee degmada Ceelbuh, bilowga dugsiga sare ee degmada waxaa bilaabay ooka qaybqaatay qaybo kamida aqoonyahanka Bulshada Soomaaliyeed.
Dhamaan bulsho waynta Soomaaliyeed iyo kuwa u dhashey Sanaagba cidii diyaar u ah in ay ka qayb qaadato horumarkaasi iyo dhismahadugsigaasi waxa ay taakulo iyo tamartooda ku hagaajin karaan
Dahabshiil Ceelbuh, Keyse C/nuur Xaashi
Sidoo kale waxaad wixii macluumaad ah kala xiriiri kartaan Madaxa gacanta ku haya dhismaha iskoolkaasi Mudane Axmed Said Abdi oo laga heli karo Taleefanka numberkiisu yahay 0025290645266 .
