Wadfi Dowlada Puntland ee uu Hogaaminaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo H/Reer Miyiga, Sidoo kalena ay ku Waheshaan Safarkiisa, Wasiirku Xigeenka Dakhliga ee Maaliyada,
Wasiirku Xigeenka Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Wasiiru Dowlaha Amniga, iyo Abaandulaha Ciidaanka Daraawiishta Puntland, Ee Ku Hawlan siday Gobolka uga Hirgalin lahaayeen Golaha Deeganka ee Degmnooyinka Gobolka, Haweenka Gobolka Waxay Olole ugu jiraan siday uga mid noqon lahaayeen Golaha Deeganka si loo helo Gole Deegan oo Isku dheeli tiran qaybaha Bulshada.
Haddaba, Haweenka Gobolka Sanaag Waxay Fariin u diraayan Jaaliyada Gobolka Sanaag ee Nool Dibada, Iyagoo ka Codsanaaya Inay Wafdiga Dowlada Puntland ee Ku hawlin siday u dhisi lahaayeen Golaha Deeganka Degmooyinka Gobolka, Ku Sugan Degmada ee Kusoo Baraarujiyaan In Haweenka Gobolka Sanaag ay Kaalin Wanaagsan laga siiyo Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka.
Sidoo Kale Haweenku waxay fariintan u diraayan Haweenka Jaaliyada Gobolka ee Ku Nool Qurbaha, Siday wada shaqayn Buuxda uga Yeelan lahaayeen, Si ay Haweenku uga mid noqon Lahaayeen Golaha Deeganka oo Dastuurka iyo Shuruurcda Dowladu u Ogashay inay Yeeshan 30% Heerka Golaha Deeganka Degmada.
Si kastaba Ha ahaate, Fadlan, Waxaad Olalaha Haweenka kaga qayb qaadan kartaa inay Golaha Deeganka Ka mid noqdaan adoo la soo xiriira Wafdiga, kalana soo xiriir Lambarada Hoos Ku Qoran: -
+25290799052/+25290764605.
Waxaa haboon sidoo kale in lagu adkeeyo Nabadoonada/Caaqilada soo dooranaaya Qofka ka mid noqon doona Golaha Deeganka, Kadib markay Wafdiga Dowlada is Dhaafsadaan Xeerarka iyo Shuruucda lagusoo Dooranaayo Qofka Buuxinaaya Booska Golaha Deeganka Heerka Degmo.
Wada Shaqayn Wacan,
Haweenka Gobolka Sanaag
Xigasho:SanaagPost
