Raysul wasaaraha Dowlada ku meel gaarka ah ayaa waxa uu sheegey in xukuumadiisu ay qorsheeneyso duulaan balaaran oo ka dhan ah Urur diimeedka Alshabaab isagoo kusugan dalka dibadiisa isla markaana sheegey iney askar kale oo Ugandhis ah imanayaan Magaalada Muqdisho.
Raysul Wasaare Farmaajo ayaa warbaahinta caalamka qaarkood isagoo la hadlaya sheegey in xukuumadiisu ay doorbideyso nabada iyo wada hadalka laakinse aysan jirin cid ka yeeleysaa arintaas isla markaana ay ku khasban yihiin dagaal.
Waxaa caado noqotey iney xukuumadu had iyo jeer u booteyso kooxaha kasoo horjeeda isla markaana aysan bootadaas ka dhabeyn iyadoo ay tanina laga yaabo iney noqoto talaabooyinkii ay qaadeen raysul wasaarayaashii hore ee xukuumada Somalia.
Dagaalada Koonfurta Somalia ayaa noqdey kuwo soo noq noqda iyadoo aysan jirin cid had iyo jeer ku gacan sareysa iyadoo Ramadaantii Dagaalkii ay Alshabaab iclaamisey oo ay ugu talo gashey iney kula wareegaan Muqdisho ay jab weyn kala kulmeen isla markaana dhalisey khilaafaad dhexdooda ah.
Waxaa iyaduna jirta in Alshabaab aysan dhineceeda ogoleyn wax nabad ah isla markaana ka door bidey nabada dagaal.
Dagaaladan oo ay ku naafoobeen shacabka Soomaaliyeed ayaa jirin cid saadaalin karta goorta uu soo afjarmi doono ama laheli karo nabad waarta iyadoo koox walba ay dhineceeda sheeganeyso iney xaq ku taagan tahey.
laasqorayNET-Muqdisho
