Maxaa iga galay Puntland
Ninkaa ii baaqayoow
Gabayga soo baaciyoo
Biddaha igu sheegayoow
Halkuu magacay ku bacay
Adeer ii bidhaamiyoo
Bayaan iigu soo caddee
Anigoo qaxooti baas
Da’daydoo boqol ku dhow
Melbourne taksi baacsada
Intuu guulle ii birmadey
Ilaah i badbaadiyey
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Haddii aan bogcado qabsaday
Haddaan bangalooyin taxay
Bannaanka Garoowe bilay
Buulashii reerkayaga
Haddaan bangalooyin wacan
Palace qurux badan ka dhigay
Haddaan weel buuxsaday
Haddaan doollar badan dhigtay
Bahdayda tujaar ka dhigay
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Haddaan Warsangeli bahdaley
Dubeys boholaha ka qubay
Haddaan boqorrada Cismaan
Ka xiray bowdo iyo gacan
Ku ooday bannaan Qardhood
U diiday inay baxaan
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Dhulbahante hadduu belbelo
Hadday bogox iyo galbeed
Dhammaantood wada baxaan
Puntlandba iskaga qaxaan
Hadday boholaha xargaga
Ku dhaafaan baabacoo
Togdheer bartankiis xulaan
Ka boodaan buurta Shiikh
Hadday dhaafaan Berbera
Boqoolku Hargeysa tago
Hadday beel isaaq galaan
Jabuuti ku biirayaan
Maxaa iga galay Puntland
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Beelahaa mudug wada degiyo
Leylkasahaa buuqa badan
Biciidyahankaa gurxama
Dhammaantood Cumarka badan
Intaan burcad soo dalbado
Haddaan barqo weeraroo
Karbaash ku baraarujoo
Baasuuke ku toosiyoo
Bahdoodaba eber ka dhigo
Haddaan madkooda badan
Bannaanka Yamayska wadho
Hadday wada beer kacaan
U guuraan meelo baas
Barkood xabashi u galaan
Miyaan boholyoobayaa
Maxaa iga galay Puntland
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Haddaan beeldaajayaal
Saleeban Caliga badan
Ku baacsaday ul iyo booc
Badaha ka tallaabiyoo
Beliyo baas kula dul dhacay
Ba’a iyo hoog kula tallamay
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xagguu magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Hadday dadku baaba’aan
Haddeer Bari iyo Sanaag
Hadhow bogox iyo Nugaal
Beelaha bari naga xigiyo
Kuwaa Raas Casayr u badan
Qandaliyo Baargaal ku nool
Baylana ageheeda yaal
Hadday basanbaas noqdaan
Badaha qaarkood galaan
Barkood buuraha koraan
Abaaro hadday bataan
Haddii gaajo loo baa’ba’oo
Harraad loo wada bakhtiyo
Maxaa iga galay Puntland
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xagguu magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Warkii lagu kala baxyoo
Sheekada ninba meel u badi
Xaggeenna barwaaqo buux
Puntland iyo baaba’a daa
Malaayiin baanka taal
Furaha anigaa barkada
Bahday dhereg beerdilaac
Baruur bay daacayaan
Dadkaa baahida qaboow
Kuwaa nagu buuqayoow
Wallee idinkiyo bestiin
Baroor iyo qaylo dhaan
Maxaad naga bi’in kartaan
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa naga galay Puntland
Xaggee magaceen ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Ummadda laga badan yihiyo
Masaakiin barakaciyo
Qaxootiga soo baxsaday
Dhulkoodii baaba’oo
Illaa Baydhabo taxnaa
Haddii aan baacsadoo
Intaan buulkooda gubo
Bannaanada yaaciyoo
Dhammaan boholaha ka qubo
Ogaadeen soo baxsaday
Intaan jeel ka buuxiyoo
Haddana baabuur ku guro
U geeyo Zanawi bahal
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?.
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Dekedda Bender Qaasin iyo
Haddaan Boosaaso raro
Garoowe bad weyn ka dhigo
Patroolka ku jira Dharoor
Haddaan soo wada baxshoo
Intaan Booyado ku shubo
Reerkay uga buuxsho weel
Haddaan beelaha tolkay
Dhamaantood wada boqroon
Iskuullo ka buuxiyoon
Jaamacad soo wada bartaan
Bulshooyinka caalamkuna
Barnaamij waxbarasho iyo
Markay deeq soo baxshaan
Buulkayga ma dhaafto oo
Bahdaydaa ugu sed badan
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Haddaan ubadkayga badan
Barni iyo gabdhahayga Bilan
Wiilashaydaa baarriga ah
Intaan baabuur u gado
Patrool uga buuxiyoo
U xiro bastooladoo
Bannaannada fiririqlayn
Balooley wada tuntaan
Ummadda boobaan dhacaan
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Hadaan nabaddi burburin
Baabah iyo eber ka dhigay
Boosaasona dhiig qulqulo
Dadkii badanoow Puntland
Lix boqol uun ay baxdee
Intii kale baaqi tahay
Asaan aniguba bed qabo
Cidina ii soo baxayn
Maxkamad ila beegsanayn
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xagguu Magacay Ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Hadaan odayadii bahdilay
Kuwii loo wada bogiyo
Kuwii dadku beegsan jirey
Isimadii beelihiyo
Kuwii hagi jirey bulshada
Kuwii nabad baafin jirey
Dhammaantood baacsadoo
Wanaagoodii ba’shoo
Maxamedkii beeshayada
Bannaanka u tuurayoo ,
Beledba soo haybsan Karin
Mudanka iyo boqorradii
Hadday aniga i baryaan
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Tujaartii beledka iyo
Raggii ganacsiga badnaa
Dukaamada buuxa iyo
Bakhaarada soo camiray
Hoteellada bilicda wacan
Haddaan badankood ka xiro
Intaan baacsi ugu daro
Hadday badahaa gudbaan
Maxaa iga galay Puntland
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Saxaafada madax bannaan
Websiteyada tirada badan
Dhammaan aniga iyo bahday
Wixii ay bi’inayaan
Raadiyow baahsha iyo
TV laga soo baxshiyo
Ninkii bog ku soo qorow
Ballan baa ina dhex taal
Wasiirkayga Afbalaadh
Anaa soo Buuxiyee
Baaqii soo baxay dorraad
Warkuu shalay soo bandhigay
Ogow hoog iyo ba’iin
Sitiin Daahiya barteed
Inaan kula beegsannoo
Bal car iyo wira ragoow
Dhammaan haba la is bartee
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Wiilashaa badaha gala
Burcaddaa tirada badan
Barbaartaa reer tolkay
Maraakiib baarashada
Adduunyada baad ka gura
Anaa boqolaal dirsaday
Anaa barakada ku daray
Hubkooda anaa baxshoo
Anaa biilkooda qaba
Markay boqolaal kun iyo
Malaayiin baag ku jira
Hadhow Beeso soo helaan
Barkeed anigaa iska leh
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
Ba’dii kale waxan lahaa ….. Haaheey!
Anoo aan hadalka badin
Intaas aan kaga baxee
Ninkii iga power weyn
Ninkii iga boodda dheer
Balwo iyo hees iga badshoow
Bannaanka is keen haddeer
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xaggee magacay ku ba’ay?
By:
Amiir Cabdiraxman Farole
Boqortooyada Garoowe
xigasho- galgalanews.com
