Xildhibaan Maxamed Guuleed oo ah Xildhibaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhobuur oo isna kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa su’aalo ay weydiiyeen ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland, C/raxman Farole isla markaana muujiyey dhaqan xumo aan looga baran odey Soomaaliyeed kadib markii si xun ula hadley xildhibaan Indhabuur oo isla markaana ku yiri “….Anigu hadii aanan aqoon u lahaan lahayn Xildhibaan Indhabuur waan ka ficil qaadan lahaa hadaladiisa, waa mucaarad xun oo doqon ah….”
Hadaba maxaa keeney carada intaa le’eg oo jawaabtaas xun keentey?
Marka hore waxaa Madaxweynaha ka careysiisey Su’aashii uu weydiiyey xildhibaan Maxamed Guuleed oo aheyd ” Cuno qabateynta Sanaag iyo xeebta Sanaag la saarey” isla markiiba uu madaxweynuhu jawaab ka muujiyey oo yiri “……Cunoqabataynta ma jirto inta kale waan ka garabaya, cadow ayaa meesha galay waxaan filayaa in adiga laftaadu aad ka qayb qaadato sidii xal loogu heli lahaa arintaasi….” isagoo aad moodid in uu buuraha Gobolka Bari ay kaga khaldameen buuraha Gobolka Sanaag iyo xeebta Laasqoray.
Hadeynu dib ugu noqono hadalka aflagaadada ahaa ee uu madaxweynuhu yiri oo ula jeedey Xildhibaan Indhabuur, bal akhristow eeg oo mulaaxid waxa uu xildhibaanku weydiiyey madaxweynaha?
Xildhibaanku wuxuu yiri:
- Maamulka Casayrland oo lagaga dhawaaqay gobolka Bari
- Dhibaato ka taagan wadooyinka Galgala.
- Burcad badeed goostay badaha.
- Amaanka gobolka Mudug oo faraha ka baxay
- Xasuuqii Kalshaale.
- Dilalkii Garowe ka dhacay ee masuul iyo rayid lagu laayay oo cidna aan loo qaban.
- Xiriirka Caalamiga ah iyo safarada dibada.
- Arimaha Garsoorka.
- Ciidamadamo ka tirsan Puntland oo goostay.
- Sababta loo samayn la yahay CID ay yeelato Puntland.
- Sabata uu Madaxwaynuhu uu fulin layay balanqadkii lagu doortay.
Su’aasha aad maragta ka tahey akhristow waxa weeye Su’aalaha uu Indho buur weydiiyey miyaadan akhristow la qabin? oo miyeysan dadku la qabin? oo miyeysan Soomaalow dhan la qabin? oo miyeysan Caalamkoo dhani la qabin?
Madaxweyne Faroole dad badan waxay ka quusteen maalintuu ku dhawaaqey iney dumarku iyo qabaailku hubka qaataan oo la dagaalamaan wiilashii Galgala joogey oo qaab qabiil isu urursaday hase yeeshee dabeecad xumo ayaad mooda inuu madaxweynuhu ku darsadey dhaqan xumo.
LaasqorayNET-Bosaaso
