webmaster@laasqoray.net

Faroole oo wasiiradiisa qaar ka mid ah ku sanifey kana cayrshey shaqadii

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta wareegto kasoo saarey madaxtooyada Garowe isagoo wareegtadiisaas ku xusey inuu isbedel ku sameeyey Golaha Wasiiradiisa iyadoo  uu Afar Wasiir ka cayrshey Shaqadii ay hayeen isla markaana loo magcaabey boosaskoodii kuwo kale.

Wasiirada shaqada laga cayrshey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Warfaafinta oo ahaan jirey Wadaad mayal adag laakinse u diga rogtey Siyaasada isla markaana ahaa Afka Madaxweynaha Puntland waana C/xakiim Axmed Guuleed.

Wasiirkan ayaa la magcaabey dhamaadkii 2009 kadib markii ay wasiirkii ay isku haybta ahaayeen ee Seefta Banaanka lagu diley Magaalada Gaalkacayo bartamihii 2009kii.

Sidoo kale waxaa Wasiirnimadii laga qaadey Wasiirkii Duulista iyo Garoonada Axmed Garaash, Wasiirkii cayaaraha Maxamed Nuur Cagaweyne.

Sidoo kale wasiirkii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xasan Cabdi Maxamed.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa kaloo ku cadeyd wasiiro cusub oo loo magacaabey wasaaradahaas iyo wasiiro ku xigeeno iyadoo aan la garan kareyn waxa keeney isbedelkan soo deg degey ee ku yimi golaha wasiirada Puntland.

Wasiirada cusub iyo kuxigeenada  cusub ee madaxweynuhu magcaabey ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada; Cali Axmed Gamuute
  2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta; Axmed Cali Askar
  3. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka; Eng.Maxamuud Xaaji Saalax
  4. Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; C/weli Xirsi Cabdulle  Indho-guran.
  5. Wasiir Kuxigeenka degaanka,duurjoogta iyo Dalxiiska; Burhaan Cilmi Xirsi
  6. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada; Faarax Seed Cilmi
  7. Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka ; Axmed Cigaal Cawaale
  8. Wasiir kuxigeenka Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; Cismaan Cawad Cali
  9. Wasiirka Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada; Maxamuud Maxamed Idris
  10. Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka; Faarax Cali Cabdi
Isbedelkan uu Madaxweyne Faroole sameeyey ayaan la oran karin waa mid keeni kara isbedel la taaban karo iyadoo sidoo kalena aan la oran karin inuu noqon doono kii ugu danbeeyey ee uu Sameeyo Farole.
LaasqorayNET-Bosaaso

Comments are closed.