Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhawaan Idaacada BBC-da Wareysi uu siiyay ku sheegay in ay Dalka Kuwait ka haleen Mashruuc lagu maalgalinayo Deegaano katirsan Puntland oo kamid tahay Dhisida Marsada Laasqoray oo uu sheegay in ay ka dhigi doonaan meel yar oo ay kusoo xidhaan Doonyaha Kalluumeysiga.
Hadaba Wararka aanu ka helayo Mashruuca dib loogu dhisayo Dekeda Magaaladda Laasqoray ee uu Sheegay Faroole ayaa waxay sheegayaan in Mashruucan ay soo xidheen Shakhsiyaad kasoo jeeda Deegaanka Maakhir kuwaas oo mudo dheer ka daba wareegayay sidii Dowladda Kuwait uga caawin lahayd dhisida Dekeda Laasqoray.
Ganacsade Faysal Axmed Xawar oo ku xidhan Aqalka Madaxtooyada ee looga taliyo Dalka Kuwait ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu kamid yahay ragga soo xidhay Mashruuca dib loogu dhisayo Dekada Laasqoray.
Dad badan oo reer maakhir amaba reer Puntland ah ayaa waxay u nisbeeyaan Mashruucan dib loogu dhisayo Dekeda Magaaladda Laasqoray in ay maamulka puntland soo dhameysay basle waxaan dadkaas u sheegaynaa in mashruucan ay soo xidheen dad kasoo jeeda Gobolada Maakhir oo u dhabar adeygay sidii ay mar qudha uga dhisi lahaayeen Dekada Magaaladda Laasqoray.
Maamul Goboleedka Puntland haduu dhisayo Dekada Magaaladda Laasqoray dhaaxo ayaa wax ka qaban lahaa teedakale iskaba daa wuxuu dhisee waxa uu Maamulka Puntland cunay gaar ahan markii Cadde Muuse Madaxweyna ahaa Lacag Dowladd dhexe u qorsheysay Dekada Laasqoray.
Mashruucan ayaa haduu meel maro oo lagu guuleysto ayaa waxaa meesha ka bixi doono Mashruucii daba dheeraday ee dadka Reer Maakhir Mudada badan ka dhursugayeen ee dib loogu dhisay Dekeda Magaaladda Laasqoray ee ay gacanta ku haysay Hay’adda Horn Relief.
LaasqorayNet-


December 6, 2010 at 2:15 pm
A.s.c aad ban usalamayaa Reer Maakhir dad aanu-Jecelahay
degaanku nakala fogeeyey dheh, Walaalkay sadkayga kolkaan ka waayo wax la qaybsan kari waayo, dariskayga iga Xiga hadan cadkiisa iyo kayga la qaybsan karo.Boorame Waa magaalo ka da yar Laas qoray
laakin maanta horu-martay,Jaamacad na leh dhaqataro horu marayna leh,Somali-land wax la qabsada,anagana Sidasa dantiina iyo taayaduba ku jiraan, Sadex-dawladood oo Soomaliyeed haday qayb ka noqdaan A.U Waa arin u fiican Soomaali-galbeed Ogadenia xoriyadeeda ,anagu waanu ku aadna inaanu Ethiopia ka la dirno
Xabadayadana ma joojinayno ilaa aanu Xoriyadayada helno. Maalintay West-Somalia Ogadenia Xorawdana Soomali-land ayaanu
ku biirayna kuwa kalana way imanayaan,Somaali-land oo Maakhir ay wax la qabsata waa wanaag ee maaha Xumaan,koonfurna waanu u ducaynatna In-ilaahay xaqa tuso .Guul iyo gobanimo
December 6, 2010 at 11:53 am
kkkk
janaral ka iyo cumar gadhle ayaa howsha dhameeyey balse cidkale daa
December 6, 2010 at 7:50 am
Nin degaankan wax u qabtay aan qomamayn ma jiro,Sabato waxay tahay hadii qof aqoon yeesho ama dhaqaale dhulkan waa laga rafacaa,oo sir ilaahay leeyahay baa ku aasan dhulkan dadkanina waa miino lagu ilaaliyey dhulkan.
December 6, 2010 at 2:08 am
ACW walaalayaal waad salaamantihiin marka hore, marka xigta waxaan salaan qaaliya u dirayaa walaalaheena Maakhir soona dhameeyaya mashruucan qiimaha iyo wax tarka u leh Ummada reer maakhir, iyo maamulka Puntland. Walaalayaal waxaad ogaataan kuwiina leh majeerteeniya in aad qaldan tihiin majeerteena yihiin dad walaalihiin ah ummada ilaahayna wax xun iyo wax fiicanba ay leeyihiin sida inaba u leenahay dad wanaagsa iyo dad xunba. Walaalayaal waxaan idin xasuusinayaa in reer Maakhir iyo Majeerteen wada dhasheen cadawguna idinka faa’iidaysanin markay runta timaadona idinkaa wada dhashay. In my opinion, anigu waxaan aaminsanahay qof walba oo Daarood ah in uu yahay walaalkay. Ugu dambayn walaalayaal cadow badan ayaad leedihiin so you have to be really careful, hana dhagaysanina midka kugu diraya walaalkaa. Example, dad baa soo duulay oo ku soo duulay walaalihiina dhulbahante kuna haysta dhulkooda, hadaba adiga ma kaa yeelayaan in aad hargeysa tagto aan idinku xukumo dhulkiina waa maya, marka why idinka, walaalayaal waxaas oo kale waa in aad ka gilgilataan waana siyaasad la idiin soo maleegay, looguna talo galay in daarood lagu kala daadiyo oo mid walba midka kale loo soo adeegsado. Inta cadawga idiin soo hogaaminaysa ee dhuunu raaca ahna iska qabataan. Walaalayaaloow iska jira dadka siyaasada wata oo roba in la idin kala gato, waxaadna ogaataa qof aan qabiilkaaga jeclayn walaalkaana neceb in uusan adigana hadh kuu jiidaynin. Iska jira Cadowgiina yaana la idinka dhex faa’iidaysan waa iga talo…..
December 5, 2010 at 11:36 pm
guuuuul maakhir maasha allah
December 5, 2010 at 9:50 pm
asc walaalayaay wwaa war farxad leh oo lagu farxu alle haynoo rumeeyo.Dhulka iyo dadkaba waa u horu mar faysal xawar wuxuu noqonayaa nin taariikh ma hadho ah ku leh degaanka wsc.
December 5, 2010 at 9:50 pm
Dhismaha waxaa ka horeeya in maamulkii MAAKHIR LAND la dhiso lagan hoos baxo Majeerteeniya.
December 5, 2010 at 3:54 pm
nin jecel iyo nin neceba howshan waxaa soosaaray maamulkapuntland oo uuhogaaminaayo gen ilka jiir waana lawada ogyahay ninkii hore wax uqaban jirey baa hadana waxqabanaya xaasidnimo iyonin xaqiir nimo mafiicna nimanka kale libintasiinayso weligoodba kobcaleen leh kamaysoodurdurin horena wax umaqoban ilka jiir ilaahey hayskdayo
December 5, 2010 at 2:56 pm
Warsangaliyoow maalinba meel daasad ha laidika tumo oo ku jaahwareera. Ma haday gashay madaxtooyadii Kuwait i iyo Faysal iyo Faroole.
Waa suura gal in carabtu ku deeqi karaan dhisida Laasqoray,laakiiin jawaabtu waa yaa ka qaabaan ah waqti ay luntay aaminaadii iyo kalsoonidii.
markaa ilaa aad idinku u kacdaan waxqabadka dhulka ha ka sugin nin kale waxqabadkii
December 5, 2010 at 2:43 pm
Illaahow run ka dhig warkaas. Farxad aan la soo koobin iyo dheeraad ayaan raacin lahaa haduu warkaasi jiro. Illaahay niyada fiican ee aynu hayno ha inoo qaado,balse aynu sugno inta wax la arki aan hello,hada wax uun baynu maqalay.
December 5, 2010 at 2:42 pm
Yaa libta qaadanaya? waa horseedka fashilka iyo dib-udhaca. Soomaliya meeshii wax laga qabtoba inka mid ah ummaddan muslimiinta ah ee soomaliyeed oo dhibtu daashatey ayaa culays kaga yaraanayaa ummada inta kalena si dadban ayey waxtar ugu noqoneysaa maadaama ay hanti qaran oo shaqayneysa tahay. Soomaaliyeey iska ilaawa yaa soo faagey iyo yaa soo dhiraandhiriyey bal wax uun dalka ku soo kordha ha la arko. Waxaana inoo wanaagsan inaan waxaan haysano ku tashano intaan leenahay boqor hebel ayaa wax bixiyey oo aan asaguba naftiisa xor u ahayn. Awoodeena Rabbi ha ina tuso. scw
December 5, 2010 at 1:01 pm
wixii keenayba waxaa ka muhiimsan inay hawshu hirgasho oo dekadu ay deeganka laasqoray horumar iyo shaqooyin kusoo kordhiso
December 5, 2010 at 12:55 pm
laasqory ninkii diidi gery daneba way keeni,
waxaa hawsha dhan kadanbeeyey Al Xaaj Cumar Xaaji Cali Rabi cimrigiisa hadaayo isaga iyo Faisal Xawar iyo madaxda ka shaqaysay ugu horeeyo Madaxwayne C/raxmaan Xaaji Maxamed Faraoole iyo Ganaraal C/laahi Axmed Jaamac(Ilka Jiir)
iyo rag kalobadan.
December 5, 2010 at 6:37 am
Waa arin lagu farxo hadii mar kaliya la hir geliyo mashruucan dabasheeraaday waanuna soo dhawaynaynaa qofkasta oo ka qayb qaadanaya ama maamul kasta oo ka qayb qaadanaya waa arin lagu farxo.
Mana aha in reer makhir oo kaliya ay daneeyaan mashruucan bulshawaynta somaliyeed gaar ahaan gobalada kudhow maakhir state ayey nayaayiro galinaysaa ………..
MAASHA ALAH WELCOME
December 5, 2010 at 6:20 am
mansha allah waakaa curadadii maakhir maalinba mid baa dibu soo dhalanoo meel kasoo boodi,,, walingeed waa lagu yaqaanay reerka iyagoo laayaaban yahay baa halyeey usoo bixi jiray. Noolow ibn Xawar garabkaaga baanu taaganahay.
Cadawgaa hajabo iyo kan reer maakhirba
December 5, 2010 at 6:00 am
masha allah lama waayeen qof dadkiisa wax tara waa soo baxayaana malinba ninbaa la arkayaa muwaadininta reer maakhir balse waxaan la yaabanahay puntland maxay beenta u sheegaysa oo u leedahay anagaa ka danbeynayn kkkkkkkkkkkkkkkkkkk ma dadka soo jiita bay islahaayeen waa yaabe abti anagu awalba majeerteen anfac kama sugayn hadase dadkii reer maakhir ee dhulka lahaa u istaagay dhulkooda inay wax ka dhistaan waan u hanbalyeynaynaaa allah na ha lagarab galo
December 5, 2010 at 5:43 am
Haddii aad wax waanaagsan maqasho saadaal fiican baa laga qaataa, anigu waxan leeyahay Abshir , wixii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan , Haddii Faysal Xawar arintaas ku guulaysto wuxu noqonayaa nin Taariikh ku leh degaanka Maakhir , Sidii C/laahi Qablan oo wershedda iyo wadada Geeldoora hirgeliyey. Adiguna wiilow Xaasid ha noqon meel hadal la fadhiya , dalka wixii aad qaban karto qabo……………….By Daljire