Gudiga Xidhiidhka Kubada Cagta ee Fifa ayaa ku dhawaaqay goordhayd wadamada martigalin doono Koobka Aduunka 2018 iyo 2022 waxaana lagag dhawaaqay kulankii ay ku lahaayeen Maalmahan Gudiga Fifa Magaaladda zurich ee dalka Switserland.
Marti galinta Koobka Aduunka Sanadaha kala ah 2018 iyo 2022 ayaa waxaa si rasmiya ugu guulaystay dalalka Qadar iyo Ruushka yadoo dalalkaasi kasoo baxeen qodobadii lagu xidhay amaba horyaalay.
Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ee Kubada cagta ee Fifa seb plata ayaa goordhayd wuxuu ku dhawaaqay dalalka marti galin doono koobka duunka 2018 iyo 2022 yadoo uu sheegay Plata in uu dalka Ruushku Martii galin doono Koobka aduunka 2018 halka Wadanka Qadar isna marti galin doono 2022.
Labadan dal ayaan hore loogu soo qaban Koobka Aduunka waxayna markan nasiib u yeesheen in ay marti galiyaan koobka aduunka sidoo kale Labada Wakiil ee dalalkaas uga qeyb galay kulanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay marti galinta dalkooda Koobka Aduunka.
Dalka Qadar waxa uu ka guulaystay dalalka Australia, Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Jaban, halka uu Wadanka Ruushku isna ka guulaystay Dalalka Baritain, Portugal, Spain iyo Biljuim.
LaasqorayNet-
