Waxaan ahay 17 sano jir. Ninkayga ayaa i gubey, kaddib markii uu iga masaysary..” ayey tiri Faaduma Axmed Macallin oo sharaxaysay sidii arxan darada ahayd ee uu u gubey ninkeeda.
Ayadoo hadalkeeda sii wadatey waxay tiri “Subax ayey ahayd oo markii aansoo kacay anigoo jikada ku jira oo quraac karin-rabey ayaa waxaa ii soo dhacay Telefoon. Telefoonkii ayaan qabtay. Telefoonkii intaan ku sii jeedey ayuu gaas inta uu igu shubay igu daaray tarraq, dabkii dirica ayuu iigaga dhegey waana holcay, albaabkuna waa xinaa,” ayey tiri.
Ayadoo sharaxaad ka bixineysey sababta uu u gubey waxay tiri “Waxa uu ka masayray nin hore oo aan kala tagnay oo isoo wacayey. Ninkaas hore anigoo 14 sano jir ah ayaa la igu daray, waana kala tagnay, ninkaas hore oo Maraykanka ku maqan.”
Faatuma waxay sheegtay markii uu gubey in uu cararay oo dhuuntay, ayadoo arrintaas sharaxaad ka bixinaysa waxay tiri “Ninkii i qabey markii uu i gubey waa dhuuntay.”
Dhibtaada dabkaasi gaarsiiyey oo si weyn uga muuqata jirkeeda ayadoo ka sheekaynaysa waxay tiri “Dhibaato weyn ayaa i haysata. Gacahayga wax kuma qabsan karo. Aabahay iyo Hooyaday waa dhinteen, cidna meeshaan iima joogto. Gacmaha waa isku dhegeen dabkii awgiis oo ma fidin karo. Waxaan codsanayaa in la i caawino, anigu rajo iyo agoon ayaan ahay.”
Waxaa ummadda Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay gabadhaas u fidiyaan gargaar bini’aadaminimo, oo laga caawiyo sidey u heli lahayd daryeel, xannaano iyo dhakhaatiir daweysa. Waxaana toos loogala xiriiri karaa telefoonkan:
Telefoon: 2547-2228-3295
Nairobi, Kenya
Fadlan Flayer-kan Print ka samee oo sii qaybi GUJI HALKAN
Walaalaha Soomaaliyeed Sawirada aad arkeysaan Waa Faatuma oo ah Gabar Soomaaliyeed oo 17 jir ah, Muddo Bil ka hor ayaa waxaa Gubay Nikeedii kaddib markii u ka Masayaray.
Faatuma Way dhibanatahay, Jirkeeda oo dhan wuu Gubatay. Intaa Waxaa u sii dheer Waa Gabar Agoon iyo Rajo ah Mahaysato ehelo . Waxay Joogtaa Faatuma Magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya.
Waxaa Sawirada iyo Video ka soo Qaaday Faysal Cabdi Samad , Walaalaha Soomaalida Waxaa laga codsanayaa in aa Caawisaan Gabadhaan Dhiban, Waxaa kala Xiriraysaan Faysal Cabdi Samad Teleefan Nambar 004551320725
Faatuma waxaa toos loogala xiriiri karaa
Telefoon: 2547-2228-3295, Nairobi, Kenya.
VIDEO: WARAYSIGA HOOS KA DAAWO
Fadlan u gargaar: Faaduma Axmed Macallin waxaa toos loogala xiriiri karaa
Telefoon: 2547-2228-3295, Nairobi, Kenya.
LaasqorayNet-

