webmaster@laasqoray.net

Ganacsade Sheekh C/salaan Cismaan Bulqaas oo Casuumaad u Fidiyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Ganacsadaha Caanka ah ee Sheekh C/salaan Cismaan Bulqaas  ayaa Maalinimadii shaley Casuumaad u fidiyay Suldaanka Guud ee Deeganada Maakhir Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Waxaana Casuumadaas kasoo  qeyb galay Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Maakhir ee ku dhaqan Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya.

Ganacsade Sheekh Cabadisalaan Cismaan Bulqaas oo si weyn looga yaqaan Gudaha Magaaladda Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii ayaa maalinimadii Shaley Casuumaad Qado  Sharaf ah  u Fidiyay Waftiga Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo dhawaan Safar kusoo gaadahy Magaaladda Nairobi.

Ganacsade Sheekh Cabdisalaan ayaa Waftiga Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Qado Sharaf ugu Sameeyay Hotel Towfiiq oo kamid Hotelada Xaafada Islii ugu wacan, sidoo kale Casuumaadaas Waxaa kasoo qeyb galay qaar kamida Odayaasha Reer Maakhir ee ku dhaqan Magaaladdda Nairobi Waxaana Odayashaas kamid ahaa Ugaas Xassan Hilaali, Odey Cabdilaahi Xassan Goobe, Odey Muuse Bootaan iyo Odey Aadan Ciid

Waa Markii ugu horeysay oo Ganacsade Reer Maakhira Casuumaad u fidiya Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan mudadii u joogay Magaaladda Nairobi.

Markii Lasoo gaba gabeeyay Qadada ayaa Waxaa goobta ka hadlay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan wuxuuna si weyn uga mahad celiyay  Casuumada uu u fidiyay  Ganacsade C/salaan Cismaan Bulqaas wuxuuna ilaahay uga baryay in uu muraadkiisa u sakhiro

Sidoo kale qaar kamida ayaa Odayaasha kasoo qeyb galay Casuumada ayaa ka hadlay waxay yana u mahad celiyeen Ganacsade C/salaam Cismaan Bulqaas  yagoo ku amaanay dadaalka fiican ee uu sameeyay Ganacsade Bulqaas.

Isku soo wada duubo Kulanka Qado Sharafka ah ee uu fidiyay  Ganacsade Sheekh C/salaan Cismaan Bulqaas ayaa wuxuu kusoo dhamaaday  jawi dagan Waxaana lagu wadaa maalmaha soo socda in ay casuumaan Ganacsatada kale ee Reer Maakhir ee k dhaqan Dalka Kenya.

Laasqoray.Net
Laasqoray.Net@gmail.com

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

5 Responses

  1. Dhalinta- Khalad baad u fahamteen qoraalkayga ayaan filayaaa. Ani ma dhaleeceen wlaalkayga islaamka ah waxkasta oo wanaagsana waan la jecelahay. Balse labo midoodna ma haboona

    1. Inaad war ka dhigtaan qado meel lagu cunay oo lagu ducaystay
    2. Inaad wanaaga walaalkeen illahay dartiis u qabtay aydin ka sheegin mamuusna ugaga dhigin iclaamin iyo war aad page kusoo daabacdaan.

    Web pagekana waxa logo talagalay in akhbaarta iyo waxii muhiima ee khuseeya mujtamaca lagu xuso

  2. Abu Khalid, niyad wanaagsan ku lamaaney afkaartaada. Sheehka haduu casuumo suldaanka guud ee reerka, macnaheedu ma siyaasad baa mise marti soor iyo sharaf loo fidiyey masuul Soomaaliyeed. Waxad adigu isla jeceshhahey, walaalkaana la jeclow. Xaqana ilaali iyo wixii cadaalad ah.

  3. Waxaan Salaya dhaman akhrita yasha iyo bahda website ka laasqoray.net intaas ka did waxan aad ugu faraxsanahay sida wnagsan ee uu Sheikh Osman u soo dhowayey Suldaanka guud ee Beesha Maakhir waxana aad ugu faraxsanahay safarka uu suldaanku maanta debeda ugu soo baxay runtii kaso oo aan u arko mid wanaagsan oo aan rabay in ay hore ay dhacdo. Hadase ilahay ka dhigay ilahaya haw fududeeyo suldaanka iyo waftigisa Safarka dheer ee ay ku jiran.
    mar .
    Waabilaahi Tawfiiq

  4. alckum waad salaamantihiin bahda lasqoraynet iyo akhyaarta Abu khalid walaal illahaykabaq oo saxaafada iyo waxa aad qoraysid kadaa cidna ku arkimayso kuna garnmayso balse illahy ayaa ku arkaya walaal web ka ka ilaaliya anshax xumada in illahay kuudaayo wiilkaaga aad magaciisa ku qoratay ee khaalid illlahayna ka dhigo kii dalkiisa iyo diintiisa xafida kaligaa lama hadlayee waxaan waaninayaa wixii ilhay yaqaana oo dhan halka waxa laynoogu sameeeyay in aynu wax isu waydiina rayi kukala qaadano maaha inaynu iska hadalno oo waxaynu rabno qorna rabi khalaq waa soco waa iga dardaaran hayna dhibsan walaakiis kuligiin waad salaamantihiin

  5. S/A, ooo shiikhiii Abdisalam ahaaa ma siyaaasadu galay mise nabadoon doon weeeye isaguna, Shiikhu waxaas kumuusan jiri jirin.

    Nimankan Bariis cunistu ka badatay waxaa u dhaanta masaakinta meelahaas gaajada ugu dhimanaaaya ayaa ducadoodu si fiican u baxdaaaye inuu kuwaas ka ducaysto.

    qolyahan wararka wadaana ma casuuumad ayaay war ka dhigaayaaan waaa yaaabe. bariis meel lagu cunay baa noqday war….

    Salaaam dhamaantiin..