webmaster@laasqoray.net

Gobolada Puntland ayaa si balaaran looga xusey 1da August

1da August oo isla markaana ku beegantahey Maalinta 1aad ee bisha Barakeysan ayaa umada Reer Puntland u dabaal degayaan sanadkii guuradii 13aad ee kasoo wareegtey aas aaskii maamul goboleedka Puntland oo lagu dhawaaqey 1dii bishii August ee sanadkii 1998kii.

Iyadoo ay Puntland ka mid tahey Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxay uga duwaneyd sanadihii hore iyadoo la dadweynaha intooda ugu badani ay ruxayeen Calan Goboleedka Puntland ayna dadweynaha badanlkoodu siteen Calankaas isla markaana aad moodid in calankii Buluuga ahaa uu bedeley kan Gobolka.

Xuska ugu weyn ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Nugaal oo uu kasoo jeedo Madaxweynaha hada xukunka haya iyadoo caasimada Garoowe ay maalmahanba ka socdeen dhoolatusyo lagu weyneynayo maalinta 1da August..

Xuska Ugu balaaran oo ka dhacay Bartamaha Garowe ayaa waxaa ka qeyb galey Madaxweynaha hada xilka haya, wasiiro, saraakiisha ciidanka iyo dhamaan laamaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahey.

Xafladan oo ay qaban qaabadeedu masuul ka ahaayeen Gudiga Qaban qaabada oo ay horkaceysey Marwo Caasha Geele, wasiirka Haweenka iyo Qoyska Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadashey goobtaas ayaa hanbalyo usoo jeedisey dhamaan shacabka Puntland.

GOBOLADA

Gobolada ayaa si weyn looga xusey  dabaal dega xuska 1da August iyadoo Gobolada Sanaag, Bari iyo Mudugba aad looga xusey sanad guuradan ay Puntland jirsatey 13sano.

File:Badhan+Ilkajir.JPG

Magaalada Badhan ee xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag ayaa maanta si diiran looga xusey dabaal dega 1da August iyadoo maamulka Degmada iyo kan Gobolkuba ay si baaxad leh uga wada qeyb qaateen dabaal dega 1da August.

Xuskan ka dhacay Badhan ayaa mid ka balaaran waxa uu ka dhacay Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Maamul goboleedka Puntland iyadoo ay shacabka Reer Bosaaso u dabaal degeen sanad guuradii 13aad ee kasoo wareegtey aas aaskii Puntland.

Isku soo wada duu duub oo, xuska 13aad ee ka soo wareegey ayaa xaqiiqadu waxay tahey in maamulka Puntland uusan weli cago dhigan isla markaana jeebab ka mid ah 5ti GObol keliya ka shaqeeyo.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacayo oo iyadu lagu tiriyo caasimada 2aad ee dhinaca Dhaqaalaha ayaa si weyn looga xusey sanad guuradii barakeysneyd ee aas aaskii maamulka Puntland.

Magaalooyinka Dhahar, Ceerigaabo, Laascaanood, Caluula, Baargaal ayaa ka mid ah goobaha aan laga xusin XUSKA 13AAD EE maamul goboleedka Puntland iyadoo ay dhamaan magaalooyinkaasi noqdeen kuwo ka baxay gacanta Puntland.

LaasqorayNET

Fiiro Gaar ah: Isha Sawirada, SBC, PuntlandPost, Horseedmieda, raxan reeb.

Comments are closed.