Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo wafid u hogaminayo ayaa beryahan ku sugnaa magaalada badhan wefdigan ayaa intii ay magaalada joogeen waxa ay shirar gooni gooni ah la yeesheen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wefdiga ayaa waxay gobolka u yimaadeen sidii ay maamul tayo leh uga hirgelin lahaayeen degaanka iyo sidii ay ugu kurgeli lahaayeen xalaadaha dhabta ah ee uu degaanku ku suganyahay.
Wefdiga soo gaadhay dhinaca badhana ayaa waxa ka mid ah wasiiru-dawlaha madaxtooyada Puntland Cali Saalax Xamari iyo wasiir ku-xigeenka maaliyadda Maxamed Cabdullahi Bootaan Wasiir Ku xigeenka Dekedaha & Gaadiidka Bada Abshir Siciid Saalax & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Siciid Maxamed Salaad (Gorayacawl).
Mudane Ilka-jiir iyo wafdigiisa ayaa maal mahan waxa ay booqan doonaan magaalooyinka Hadaaftimo,Yubbe, Xingalool, shimbiraale, dacawo, damalaxagare, ceelbuh iyo magaaloyin kale oo fara badan waxaana wefdigani rabaan sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin degaamadaasi.
Dhinaca kale Magaalad Badhan ayaa waxa xilligan ku sugan walina ku soo qulqulaya shacab ka kala yimid magaalooyinka kale ee Puntland sida Boosaaso iyo qaar katirsan qurbaawiyiinta degaanka.
Sidoo kale waxa Badhan xilligan ku sugan mas’uuliyiin horay xilal sarsare uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaas oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dawladda Federaalka ee wakhtigii madaxweyne c/laahi yusuf axmed mudane Cabdiaxman Maxamed Cali ‘Bayr’ iyo wasiirkii duulista hawada federaalka Cabdiraxman Jaamac Cabdalla oo ah xildhiban ka tirsan barlamaanka federaalka.
Wararka ka imaanaya Badhan ayaa sheegaya in uu muuqdo dhaqdhaqaaq tira badan oo saameeyay dhinacyada ganacsiga, horumarka iyo siyaasadda intaba.
Hadaaftimo+LaasqorayNET
