webmaster@laasqoray.net

General Cabdi Samad oo Bosaaso soo gaarey

General Cabdisamad, Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ayaa safar dheer kusoo marey wadad laamiga ah soo gaarey magaalada Bosaaso, xarunta ganacsiga Puntland oo ay ka jireen amni daro fara ka baxdey bilihii ugu danbeeyey.

Generalka oo ay gelbinayaan ciidamo farabadan oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka ayaa waxaa Magaalada Bosaaso kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh Abdulxaafid iyo masuuliyiin kale.

Generalka oo loo soo direy inuu wax ka qabto amni xumada kasoo cusboonaatey magaalada ugu balaaran ee uu maamulka Puntland ka arimiyo ayaa waxaa uu sheegey in “Xaalada  Wadanka meel adag ayey mareysaa”

Waxaa xusid mudan in tan iyo intii uu maamulka Puntland la wareegeen madaxda hada ka talisa uu amnigu faraha kasii baxayey magaalooyinka ugu waaweyn inkastoo ay dhowr jeer masuuliyiintani ku dhawaaqeen iney amniga wax ka qabanayaan hadan ma dhicin.

Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Bosaaso ayaa waxaa ka dhacay falal ku lid ah Diinta Islaamka iyo qayimka ama dhaqanka Soomaalida iyadoo dad masaajido kasoo baxay ama ku tukanayey la laayey, in wax garad, culumo iyo saraakiil ciidan la toogtay.

Ficilada foosha xun oo laga dhaxley dagaalka sokeeyey ee raagey ayaa hore waxaa looga bartey magaalada Muqdisho ka hor inteysan soo bixin urur diimeedka Alshabaab oo aysan xoog kula wareegin gobolada qaarkood.

Si kastaba xaalku ha ahaadee Madaxweynaha ayaa warfidiyeenada la hadley isagoo ka dhawaajiyey hadaladan, HOOSNA KA DHEGEYSO.

Imaanshaha Madaxweyne ku xigeenka ee Bosaaso ayaa timi xili ay Degmooyinka Dhahar iyo Qardho ay xaalad dagaal ka dhex taalo iyadoo aanooyin qabiil maalmihii lasoo dhaafey lagu laayey 5 qofood oo kasoo jeeda Degmada Dhahar.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in Masuuliyiinta hada talada gacanta ku haya aysan awoodi karin ineysan waxba ka bedeli karin xaalada amni xumo ee ka jirta Deegaanada Puntland gebi ahaanba.

LaasqorayNET

Comments are closed.