webmaster@laasqoray.net

General Kheyre oo ka hadley amni xumada Puntland

Wasiirka amniga Maamulka Puntland General Yusuf Axmed Kheyre ayaa maanta ka hadley amni xumada kusoo badaneysa magaalooyinka ugu waaweyn ee Puntland isagoo si gaar ah uga hadley dilkii loo geystey Marxuum Ismaaciil Xaashi Xuseen, agaasimihii hore ee Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka .

Alah ha u naxariistee Agaasimihii hore ayaa lagu diley Magaalada Gaalkacayo isagoo weliba kasoo baxay masaajid ku yaala isla magaaladaasi oo waajibkiisii uu kusoo gutey.

Isla dilka agaasimaha kadib waxaa saaka markale weerar lagu qaadey Dad ku tukunayey masaajid isla markaana lagu diley  tiro gaadheysa  5 qof oo rayid ah.

Wasiirka Amniga ayaa isagoo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yirir “Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii, culimadii, ardeydii iyo asxaabtii uu ka tagey Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen, waxaa uu ahaa mas’uul Puntland ka tirsan, waxaa uu ahaa nin culimo ah oo nadiif ah, waxaana rajeynayaa in gacanta lagu soo dhigi doono ciddii dilkiisa baneysatay”.

Waxaa kale oo uu wasiirku u sheegey warbaahinta iney maamulkiisu si deg deg ah wax uga qabanayaan amniga soo xumaadey isla markaana ay gacan bir ah ku qabanayaan dadka falalkan oo kale ka geysta gudaha Puntland.

Magaalada Gaalkacayo oo inteeda badani ay gacanta ugu jirto Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca falal aad u fool xun iyo dilal qorsheysan isla markaana lagu tilmaami karo kuwa aan dhaqan aysan u laheyn umada reer Puntland.

laasqorayNET-Wakaaladaha

Comments are closed.