Shirkii maalmahan ka socday dalka Kenya xaruntiisa ee magaalada Nairobi ayaa habeenkii xaleyto ahaa soo geba geboobey iyadoo qodobo lagu tilmaamey iney yihiin kuwo wax ku ool ah isla markaana ay isku raaceen kooxihii kasoo qeyb galey shirka Nairobi.
Dhinaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhoweysey natiijooyinkii kasoo baxay shirkaas iyadoo uu madaxweynaha maamulkaasi Madaxweyne Faroole uu ku tilmaamey in shirkani faaiidooyin u keeney umada Soomaaliyeed iyo Maamulkiisu uu taageersan yahay qodobadii kasoo baxay shirkan.
Qodobada kasoo baxay shirkan ayaa waxaa ugu waaweynaa-
- In Baarlamaanka Ku meel gaarka ah loo kordhiyo 2sano oo qura.
- In doorashooyinka Madaxweynaha la qabto Bisha August
- In Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka la sameeyo Bisha August.
- In Baarlamaanka dibu habeyn lagu sameeyo lagana qeyb geliyo maamulada jira.
Shirkan ayaan waxaan ka qeyb galin dowlada ku meel gaarka ah oo si cad uga soo horjeesatey iyadoo ay ka qeyb galeen xubno ka socda Baarlamaanka ku meel gaarka ah.
Dowlada ku meel gaarka ah ayaa shirkan ganafka ku dhifatey iyadoo ay ku tilmaamtey in shirkani ahaa mid shirqool ah isla markaana umada Soomaaliyeed uusan uga soo bixin wax dan ah.
LaasqorayNET-Muqdisho
