Waxaa Garoonka Mirre Awaare ee Magaaladda Garoowe si habsami leh uga socda tartarnkii Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya Wuxuu Maanta galay qeybtii labaad waxaana hal mar wada ciyaaray Afar Gobol.
Markey Saacada Bariga Africa ahayd 2:00 Duhurnimo oo Gaw ah ayaa Waxaa Ciyaar Xiiso badan isaga hor yimi Gobolada Sool iyo Gedo, Garoonka ayaa waxaa soo buux dhaafsahay Taageerayaal labada dhinac iyo Madax ka socota Puntland.
Ciyaarta dhex martay M aanta Gobolada Sool iyo Gedo oo ahayd Ciyaar Xamaasad leh ayaa waxay keentay in ay labada dhinac galaan barbar dhac waxayna ku dhamaatay 3 iyo 3 Labada Gobol ayaa waxay ku wada jiraan Group-ka B
Goordhow Filo Ciyaaraha ka socda Magaaladda Garoowe oo Tafatiran.
Laasqoray.Net
