webmaster@laasqoray.net

Gobolka Haylaan oo Maamul yeeshey

Gobolka Haylaan ee xaruntiisu tahay Degmada Dhahar ayaa Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen loo magcaabey isla markaana Gudoomiye loogu magcaabey axamed Faarax Ciise [Jeentaro] Halka ku Xigeen loo MagcaabayMuuse Cali Muuse.

Maamulka cusub ayaa waxaa lagu soo magcaabey wareegto la shaaciyey kadib markii uu Madaxweynaha Puntland Faroole uu kasoo dhoofey Garowe isagoo kusii jeeda Dalka Ingiriiska iyo London.

Mudane Jeentaro ayaa ah siyaasi xilal kala-duwan kasoo qabtay maamulka Somaliland, muda aad u farabadan’na kusugnaa magaala madaxda gobolka Haylaan ee Dhahar.

 

Mar ay Saxaafada ka hirgasha Dhahar ay wax kawaydiisay qorshihiisi iyo waliba waxyaalaha uu ka shaqayndoono ayuu sheegay in ugu horayn amniga ahmiyad gaar ahi siin doono, uuna dhawaan soo bandhigi doono qorshayaal lagu tayayn doono laamaha kala duwan amniga ee gobolka ka hawlgala.

LaasqorayNET+SPR

Comments are closed.