{Badhan} Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/07/11 ka dhacay hoolka shirarka golaha degaanka Badhan wareejin ay wareejinayeen qandaraas layaashii dhisay Santarka magaalada Badhan ayna dhistay Hay’adda Unicef kaas oo ay qandaraas layaashii dhamays tireen dhamaana dhismihii halkaas lagaga jeegarayey, kadibna lagu wareejiyey Gudoomiyha waxbarashada Gobolka iyo kan Degmada
Waxaa qandaraas layaasha goob joog uga ahaa C/risaaq Faarax Bile oo ku wareejiyey Hay’adda Unicef halka hay’adduna ay ku wareejisay Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka, C/qani Cali Moon iyo Xayaad Lood oo ah Gudoomiyaha waxbarashada Degmada waxaa wareejintaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah maamulka degmada iyo qaybaha bulshada Degmada
Waxaa halkaas hadal kooban kaga war bixiyey waxyaalihii la soo maray iyo muuqaalka dhismaha ee hada ka muuqda, C/risaaq Faarax Bile {Casayr} waxaan sidoo kale markii lagu wareejiyey furaha isna hadal ka soo jeediyey masuulka Unicef u joogay goobta C/fataax Maxmaed Xaamud oo isna aad ugu amaanay qandaraas layaasha sida quruxda badan ee hagar la’aanta ah ee ay u dhiseen cantarka
Waxaa isna hadal ka soo jiiediyey Duqa Degmada C/risaaq Axmed aadna kuna amaanay qandaraas layaasha dhismaha quruxda badan ay u dhiseen degmada ayna mudan yihiin in qandaarsyo kale la siiyo sidoo kale ku dhiiri geliyey in hore umarin lagu sameeyo centarka iyo sidoo kale in lagu qabto ujeedadii loo dhisay oo ahayd in dhilin yarada waxbarashad seegay fursado loogu sameeyo ay kaga qayb qaataan waxbarashada, iyo dhamaan wixii horumarin Degmada loogu qabanayo.
Gebo gebadii waxaa hadalo mahad naq iyo balan qaadba ka soo jeediyey C/qani Cali moon isaga oo u mahad naqay dhamaan dadka ka soo qayb galay wareejinta gaar ahaan Hay’ada unece, qandaraas layaasha, maamulka degmada iyo qaybaha bulshada oo had iyo jeer u heelan horumarinta degmada balana qaaday in uu tashi balaadhan ka samayn doono sida sida bulshada loogu adeegi doono.
DAAWO SAWIRO KALE:










