Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ah nin aan marna ogolaayn Saxaafi Ama Saxaafad Xor u hadasha waxana lagu tilmaama Faroole nin aan jaclaysan ka hadalka Xaqiiqda
Tan iyo Markii u Xukunka la wareegay Muddo hada laga joogo Labo Sano Wuxuu Faroole woday Olole Xoogan oo lagu Cabuurin Saxaafada Degaanada Puntland ka hawlgasha, Isaga oo in ka badan 6 Wariye Xabsiga dhigay Mudaadii U Xukunka hayeey, kuwas oo qaarkood Xabsi lagu Xukumay Halka kuwa kalena Bila Xukun Maxkamada logu Hayeey Waqtiyo kala duwan
Hoggaamiye Faroole Ayaa Qaar ka mid ah dadka aqoonta durugsan u leh ku tilmaaman Nin aan jaclayn In Ruun loo sheego, Waxana la tilmaama inu jecel yahay dadka beenta ku maweeliya ee ka agdhow Xuruntiisa Garoowe
Degaanada Puntland waxa ka jira in ka badan 9 Idaacadood, Sidoo kale waxa ka jira Wargeysyo waxana in badan oo ka mid ah Warbaahintaasi ka Mamnuuc ah inay ka hadlaan wax aan dowladu Ogolaan
Saxaafadda Maamul Goboleedka Puntland ka jirta ha Noqdaan (Wargeys, Idaacad, Ama Website Puntland laga qora) Waa ka Mamnuuc inay hadal Mas’uul Dowladda ka tirsan dhibsado ku hadlaan, waana ka Mamnuuc inay siraha iyo Weliba xaqiiqda ka jirta degaanka wax ka sheegan
Dowlad Goboleedka Puntland waxa la dhahi kara ma laha Saxaafadda Magaceeda ku hadasha, Balse waxay leedahay Saxaafad cabsi aay qabto darteed ugu Adeegta Iyada oo Saxaafiyiinta ku sugan Puntland-na Uusan mid ka mid ahi Awoodin inu War Xaqiiqa ka qoro Mas’uul Dowladda ka tirsan, Madama kii hadlaba Xabsiga loo taxaabayo
Ruuntii lama yaabani Idaacadaha Iyo Wargeys-yada degaanada Puntland ka jira, Waayo Maah maah Soomaaliyeed ayaa aheyd Nin aan cabsan wa loo cabsada
Saxaafadda Waxa lagu Tilmaama Indhaha Ummada Haddaba goorma la is dhahi kara Maamulka Faroole waa aqbali doona Saxaafad Xor ah, Mise Saxaafada Maweelisada ah ee Xilliganu Dan mooday ??
W/Q Yusuf Cali
Yusufcali@hotmail.co.uk
