webmaster@laasqoray.net

Gudiga Qurbajoogta ee Dekeda Laasqoray oo dhanbaal kasoo saarey Fariimihii Horn Relief

Gudiga Jaaliyadaha Dibada ee Deegaanada Maakhir ee la xiriira Dekeda Laasqoray ayaa waxay warbixin kasoo saareen warqadii iyo fariintii ay soo gudbisey Horn Relief iyadoo gudigu arintaas.

Gudigu waxay cadeeyeen iney fariimo badan is dhaafsadeen ujeedada ugu balaaran ay aheyd sidoo loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan kharashkii ku baxay Dekeda Laasqoray iyo qalabkeedii hase yeeshee Gudigu way ku guul dareysteen iney macluumaadkii loo baahnaa ka helaan Horn Relief.

Sidoo kale Gudigu waxay cadeeyeen iney MUGDI KU JIRO kharashkii KU BAXAY DEKEDA iyadoo ay gudigu sheegeen iney Maamulayaasha Horn Relief looga baahnaa iney ka shaafiyaan cabsida ku jirta dadkii lacagaha iyo deeqaha ha noqdeen kuwo u dhashey Sanaag ama kuwo u dhashey Soomaalida kale.

Warbixinta ay diyaarisey Gudiga Qurba joogta ee Dekeda ayaa ah mid ay ka muuqato falaqeyn dheer isla markaana cadeeyey ineysan ku qanacsaneyn faah faahintii Warbaahinta la geliyey iyadoo gudigu ku tilmaamtey arintaasi mid aan la laqi kareyn.

Horn Relief ayaa warqad ay usoo dirtey Qurba joogta ku cadeysey iney Odayaasha Deegaanka ogolaansho ka heyso iibinta Qalabka isla markaana Sheegatey lacag ka badan 200kun oo dollars iney ku leedahey QALABKA DEKEDA.

Arintan oo khilaaf ba’an dhalisey ayaa u cad mid aan dhamaaneyn beryahan isla markaana sii caga jiitami doonta iyadoo laga yaabo in Hay’ada Horn Releif laga dacweeyo Hay’adaha ay ka raadsatey maal gelinta isla markaana Horn Relief BLACK LIST la geliyo oo ay Hay’adu halkaa ku baa’abdo.

Qoraaladii oo English ku qoran halakan  hoose ka akhriso

Final – Diaspora Committee Report for the Lasqorey Jetty Project

Correspondences with Horn Relief

 

LaasqorayNET-Washington

 

Comments are closed.