Gudoomiyaha Degmada Badhan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa waxay gaareen Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyadoo ay wefdigani qaabileen Masuuliyiinta Gobolka Bari iyo kuwa Degmada Bosaaso isla markaana marti geliyey wefidga Badhan.
Gudoomiye C/risaaq Axmed Ciise ayaa waxaa Magaalada Bosaaso casho sharaf ugu sameeyey Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf isla markaana uu gudoomiyuhu sheegey inuu Soo dhoweynayo maamulka Cusub ee degmada Badhan, xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag.
Wararku waxay intaa ku darayaan in gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid uu ugu baaqey in Maamulka Degmada Badhan la taageero iyadoo uu gudoomiyuhu sheegey in loo baahan yahay in Qurbajoogta Sanaag ay mashaariic ka fuliyaan Degmada Badhan oo ay kaabiyaan ilaha dhaqaalaha ee degmada.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Badhan ayaa isna ka mahad celiyey marti gelinta Gudoomiyaha Gobolka Bari isla markaana sheegey iney soo dhoweynayaan wada shaqeyn ka dhex dhalata degmooyinka iyo gobolada Maamulka Puntland ee Somalia.
Mudane C/Risaaq Axmed Ciise ayaa intaa ku darey in maamulkiisa cusubi uu la taag daran yahay isla markaana loo baahan yahay sidii loo caawin lahaa si ay wax uga qabtaan arimaha Bulshada ee horyaala.
Safarka Gudoomiyaha Degmada Badhan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku kaco Gudoomiyihu tan iyo markii loo doortey xilka Gudoomiyenimo isla markaana lagu tala jiro inuu safarkiisu noqdo mid dhaqaale ururin u noqonaya Degmada Badhan.
Badhan oo ka mid ah magaalooyinka ugu balaaran Gobolka Sanaag isla markaana gacanta ugu jirta Maamulka Puntland ayaan yeelan wax maamul ah tan iyo intii ay dhacdey Dowladii Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo mudo 20 sano ay ka soo wareegtey.
Intii ay dowladu burbursaneyd Magaalada Badhani wey balaaratey iyadoo hoy u ah 3 Dugsi Sare, 3 Dugsi hoose, Jaamacad, 2 Machad ama College isla markaana qiiyaas ahaan lagu qiyaaso iney ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 95,000 oo qof.
LaasqorayNET-Bosaaso,
Fiiro Gaar ah- Isha Sawirada Horseedmedia
