Alle ha u naxariistee Waxaa habeenimadii Xaley ku XIjaabtay Magaaladda Muqdisho Gudoomiyihii Maxkamada Sarre ee Dowladda Fadraalka Mudane Maxamuud Faarax Cumar “Indha-buur” oo indhawaalaba ahaa dhulyaal.
Gudoomiyaha Maxklamada Sarre ee Dowladda Fadraalka Mr Indha-buur ayaa dhawaan dhakhtar u tagay Wadanka Sucuudiga wuxuuna dalka dib ugu soo laabtay dhowr isbuuc ka hor, Indhabuur ayaa tanyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay ahaa dhulyaal.
Alla ha u naxariistee Maxamuud Faarax Cumar “Indha-Buur ayaa haa sida la sheegay nin dabeecad wacan oo aan dhib badnayn oo dadku iskuwada mid u yihiin islamarkaana qaran jecel aaminsanaa in mar dowladd barakeysan somaliya mar u dhalan doonto.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Fadraalka Mudane Sheekh Shariif,Raysal Wasaraaha Xukuumada Dowladda KMG Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda soomaaliyeed ee uu ka Xijaabtay marxuumku. eheladii iyo qaraabadii waxayna leeyihiin idil ahaanteenba ilaahay samar iyo iimaan ha inaga siiyo aamin aamin.
LaasqorayNet-
