Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso ayaa maalintii afraad hawlgalo ka wada Magaalada Bossaso hawlgaladan ayaa daba socda hawlgallo ay maal mahan wadeen Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso.
Ciidamada ayaa maanta hawlgalka ka wada xaafadahii uu ka dhacay qaraxii dhacay habeenimadii xalay ee uu ku dhintay Taliyahii Saldhigga Booliska Baalade ee Magaalada Bossaso iyo sidoo kale xaafadaha dhinaca Bari kaga aadan Magaalada oo uu muddooyinkan hawlgalku ka socday.
Hawlgalada ay sameeyeen Ciidamada ammaanka ayaa waxaa la sheegay in ay ku qab qabteen tiro dad ah kuwaasi oo lala xiriiriyey ku lug lahaanshaha qaraxii xalay ka dhacay dhinaca koonfureed ee Magaalada Bossaso kaasi oo ay ku dinteen qaar kamid ah Ciidamada Booliska Magaalada Bossaso.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso, saraakiisha ammaanka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan hawlgalada waxayna sheegeen in ay ka war bixin doonaan kolka ay hawlgaladu soo gaba gaboobaan.
Hawlgalada ayaa muddooyinkan ka socday Magaalada Bossaso waxaana lagu qabtay dad boqolaal ka badan walow intooda badan lasii daayey kadib markii danbi lagu waayey.
Dadka la xir xiro ayaa la geeyaa saldhigyada Booliska ee Magaalada waxaana loogu sameeyaa baaritaan intooda badana waala soo daayaa marka laga reebo qaar ay Ciidamu ka shakiyaan ama danbiyo lagu helo.
Iyadoo inta badan hawlgaladu ka socdaan Magaalada Bossaso ayaa hadana waxaa jira falal mar marka qaar ka dhaca Magaalada kuwaasi oo uu kamid ahaa qaraxii habeenimadii xalay ka dhacay Magaalada ee Booliska lala eegtay iyo weerarkii ka horeeyey ee lagu dilay mid kamid ah kooxaha fuliya dilalka qorshaysan iyadoo mid kalena lagu dhaawacay.
Lama oga wakhtiga ay soo gaba gaboobi doonaan Hawlgalada Magaalada Bossaso ka socda oo maanta madaxa la galay maalintii afraad mana jiraan warar faah faahsan oo laga helay hawlgaladaasi.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
